hadhwanaagnews
London — Booliiska Boqortooyada Ingiriiska ayaa damaanad ku sii daayay shan nin oo lagu qabtay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford, oo ay isticmaalaan ciidamada Maraykanku, kaddib markii looga shakiyay dambiyo la xidhiidha argagixisanimo.
Shantan nin oo dhammaantood ah muwaadiniin British ah ayaa la sii daayay Isniintii, kadib markii ay in ka badan hal maalin ku jireen gacanta booliiska. Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka la xidhiidha eedaha loo haysto ayaa weli socda.
Laurence Taylor, oo ah madaxa laanta la-dagaallanka argagixisada ee UK, ayaa sheegay in ragga la sii daayay lagu soo rogi doono shuruudo "adag”, iyadoo booliisku ay sii wadaan baadhitaannada ku saabsan dhacdada.
Baadhayaashu weli ma aysan sheegin in dawlad shisheeye ay ku lug leedahay shirqoolka la tuhunsan yahay, balse waxay eegayaan suurtagalnimada in ay arrintan ku lug leeyihiin Iiraan, Ruushka ama kooxo kale.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay doonayeen inay geystaan "waxyeello weyn”, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan waxa ay qorsheynayeen iyo cidda ka dambaysay ayaa weli ku jirta baadhitaan.