hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ardayda waxbaratay kula dardaarmay inay nolosha u galaan dadaal iyo halgan joogto ah, isagoo sheegay in guushu u baahan tahay samir, adkaysi iyo himilo fog.
Wasiir Barkhad Batuun oo hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyey arday ka qalin-beddelanaysay Jaamacadda Gollis ayaa sheegay in noloshu aysan ahayn wax qof si fudud loogu hibaynayo, balse ay tahay safar u baahan dadaal iyo in qofku diyaar u noqdo caqabadaha uu la kulmi karo.
Waxa uu yidhi: "Noloshu hadyad ma aha balse waa halgan, qofkuna meel wuu gaadhi karaa.”
Wasiirka ayaa ardayda uga sheekeeyey waayo-aragnimadiisa iyo duruufihii adkaa ee uu soo maray xilligii uu waxbarashada ku jiray, isagoo tusaale ugu dhigay in caqabadaha noloshu aysan ahayn kuwo qofka himilada fog leh ka hor istaagi kara inuu gaadho halka uu hiigsanayo.
Barkhad Batuun ayaa ardayda ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan aqoonta ay kasbadeen, isla markaana aysan ka niyad jabin duruufaha iyo caqabadaha nolosha, balse ay yeeshaan adkaysi iyo go’aan ay ku gaadhaan himilooyinkooda.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qofka leh himilo fog uusan u oggolaan karin waayuhu inay xaddidaan mustaqbalkiisa, isagoo qalin-jabiyayaasha kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan naftooda, bulshadooda iyo dalkooda.