Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Cisbitaalka Gargaar ku Booqday Mujaahid Boobe

Sunday November 01, 2026 - 13:16:08
hadhwanaagnews
Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa Mujaahid Boobe u rajeeyay



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku booqday Mujaahid, qoraa Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo xaalad caafimaad u jiifa.

 

Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa Mujaahid Boobe u rajeeyay caafimaad taam ah, isaga oo Alle uga baryay inuu xanuunka ka dulqaado, caafimaad degdeg ahna siiyo.

 

Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) waa qoraa caan ah oo magac iyo maamuus ku leh guud ahaan geyiga Soomaalida, gaar ahaan Somaliland. Waxa uu ka mid yahay hal-abuurka iyo qoraayaasha sida weyn looga qaddariyo bulshada dhexdeeda.

     
Loading...