hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carrab, ayaa dhalinyarada dalka ugu baaqay inay mudnaanta koowaad siiyaan ilaalinta amniga iyo xasilloonida, isagoo sheegay in nabadgelyadu tahay aasaaska horumarka iyo nolosha bulshada.
Wasiir Cabdalle ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo ka hortagga falalka wax u dhimi kara xasilloonida dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Somaliland ay wajahdo caqabado amni, isagoo xusay in ay jiraan dhinacyo uu ku tilmaamay "cadaw” doonaya inay wiiqaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
Hadalladan ayuu Wasiir Cabdalle ka jeediyey xaflad ay boqolaal arday kaga qalin-jabinayeen Jaamacadda Gollis, halkaas oo uu kula dardaarmay dhalinyarada inay aqoontooda iyo kartidooda u adeegsadaan horumarinta dalka iyo ilaalinta nabadgelyadiisa.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in amnigu yahay furaha wax kasta, isagoo dhalinyarada ku boorriyey inay noqdaan kuwo masuuliyad ka saaran tahay nabadda, kana fogaada wax kasta oo keeni kara khalkhal amni ama dhaawacaya wadajirka bulshada.
Cabdalle Maxamed Carrab ayaa ugu dambayn dhalinyarada kula dardaarmay inay garab istaagaan hay’adaha dowladda iyo ciidamada ammaanka, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida Somaliland.