hadhwanaagnews
Berbera (Hadhwanaagnews.com): Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Saaxil, oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda iyo Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka, ayaa si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaatay dhismaha dayrka xarunta Wasaaradda ee Gobolka Saaxil.
Masuuliyiinta ayaa si toos ah uga qayb galay hawlaha dhismaha, iyaga oo muujiyey iskaashi, masuuliyad-wadaag iyo ka go’naanshaha horumarinta xarumaha adeegyada bulshada.
Dhismaha dayrka xarunta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo kaabayaasha iyo bilicda xarunta Wasaaradda, si loo helo goob shaqo oo habboon, ammaan ah, isla markaana si wanaagsan ugu adeegta bulshada Gobolka Saaxil.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha iyo madaxda hay’adaha dawladdu ka qayb qaataan horumarinta goobaha ay bulshada ugu adeegaan.