hadhwanaagnews
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku soo gabagabaysay tabobar aqooneed oo ku saabsan maamulka xafiisyada, maaraynta diiwaannada, kaydinta xogta iyo macluumaadka, iyo ilaalinta xogta xafiisyada.
Tabobarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda, si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo hab-maamulka xafiisyada.
Sidoo kale, tabobarku waxa uu qayb ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo hababka diiwaangelinta iyo kaydinta dukumentiyada, maaraynta macluumaadka iyo ilaalinta xogta Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa tabobarkan ku beegsanaysay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha, loona horumarin lahaa nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka hawlaha xafiisyada.