hadhwanaagnews
Waxaan ka mid ahay dadka jecel kabanka iyo dhegaysiga heesaha qaramiga ah. Aniga ahaan, fanka iyo hoobalnimadu waa adduun gaar ah oo ku dhex nool nolosha aadanaha, waana qayb ka mid ah dhaqanka, dareenka, hal-abuurka iyo hiddaha ummadaha.
Fanku ma aha oo keliya hees iyo laxan, balse waa hab ay bulshooyinku ku muujiyaan taariikhdooda, afkooda, dhaqankooda iyo dareenkooda. Qof kasta oo ka qayb qaata ilaalinta iyo horumarinta fanku waxa uu qayb ka qaadanayaa sii jiritaanka hal-abuurka iyo hiddaha ummaddiisa.
Waxaa jira dad doonaya inay dadka ka nacsiyaan fanka iyo heesaha, iyaga oo adeegsanaya fikrado iyo aragtiyo ay bulshadu u baahan tahay inay si miyir leh u qiimayso. Qofku waa inuu awood u yeeshaa inuu kala saaro talada wax dhisaysa iyo fikirka lagu wiiqayo hiddaha, dhaqanka iyo hal-abuurka bulshada.
Waxaa muhiim ah in aynaan si fudud u aqbalin fikrad kasta oo la inoo soo bandhigo, balse aynu si qoto dheer uga fikirno saamaynta ay ku yeelan karto aqoonsigeenna, afkeenna, suugaanteenna iyo dhaqankeenna. Ilaalinta hidaha iyo hal-abuurku waa masuuliyad bulsho oo u baahan aqoon, wacyi iyo faham.
Ugu dambayn, jacaylka fanku ma aha oo keliya jacaylka heesaha; waa jacaylka suugaanta, hal-abuurka iyo qayb ka mid ah taariikhda ummadda. Sidaas darteed, waa in aynu dhiirrigelinno fanka wanaagsan, ilaalinno hiddaha suugaaneed, isla markaana ixtiraamno kala duwanaanshaha aragtiyaha, innaga oo aan lumin aqoonsigeenna dhaqan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!