hadhwanaagnews
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta amniga dalka, isaga oo xusay in loo baahan yahay feejignaan iyo wada-shaqayn joogto ah oo lala yeesho ciidamada ammaanka.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in qof kasta laga doonayo inuu ka qayb qaato sugidda nabadda iyo ilaalinta qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in amniga dalku yahay masuuliyad wada saaran bulshada oo dhan.
Waxa uu yidhi:
"Maadaama la inna aqoonsaday cadow badan ayaa aynnu yeelannay, sidaa awgeed, waxa inoo ballan ah in aynnu dalka ilaashanno. Qof walba masuuliyad ayaa saaran ee dacalkiisa ha ka ilaaliyo, ciidammada ammaankana waa in la xoojiyo la-shaqayntooda.”
Guddoomiyuhu waxa uu ugu dambayn ku boorriyey shacabka inay adkeeyaan midnimada, feejignaanta iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka.