hadhwanaagnews
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xarunta xisbiga ku soo dhaweeyey Xildhibaan Jaamac Axmed Oogle (Caano-boodhe) iyo Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi (Dheere), kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga WADDANI.
Guddoomiyuhu ayaa sheegay in ku biiritaanka labada mudane uu muujinayo kalsoonida sii kordhaysa ee ay masuuliyiintu ku qabaan xisbiga.
Soo Dhaweyn Rasmi ah
Munaasabadda soo dhaweynta oo ka dhacday xarunta dhexe ee WADDANI ayaa lagu qaabilay labada xildhibaan, iyadoo Guddoomiyaha xisbigu u rajeeyey inay door muuqda ka qaataan hawlaha iyo himilooyinka xisbiga.
"WADDANI Waa Xisbi Lagu Soo Hirto”
Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in WADDANI uu noqonayo xisbi ay ku soo hirtaan shacabka iyo masuuliyiintuba.
Waxa uu yidhi:
"Waxa aannu maanta ku qaabilnay Xarunta Xisbiga WADDANI mudanayaasha kala ah Xildhibaan Jaamac Axmed Oogle (Caano-boodhe) iyo Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi (Dheere), annaga oo ku soo dhaweynnay Xisbul Xaakimka WADDANI oo ay si rasmi ah ugu soo biireen.”
Waxa uu intaas ku daray:
"Farxad weyn oo aan la soo koobi karin ayay nooga dhigan tahay in WADDANI lagu soo hirto, oo la isugu yimaaddo; shacab iyo masuuliyiinba. Soo dhowaada, mudanayaal.”
Xisbiga oo Soo Dhaweynaya Xubnaha Cusub
Guddoomiyaha WADDANI ayaa sheegay in xisbigu sii wadi doono soo dhoweynta xubnaha cusub ee ku soo biiraya, isaga oo xusay in wadajirka iyo iskaashigu yihiin tiirarka lagu xoojinayo himilooyinka xisbiga.