Natiijada Doorashada Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ee Degmada Xarshin oo La Shaaciyey

Saturday June 06, 2026 - 13:27:57
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa bogaadiyey...



Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ee degmada Xarshin, iyadoo la xaqiijiyey musharraxiintii ku guuleystay kuraasta degmadaasi.


 

Ku dhawaaqista natiijadan ayaa kusoo beegmaysa kadib codbixin si nabad ah uga dhacday degmada, halkaas oo shacabka Xarshin ay si weyn uga qayb qaateen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.


 

Masuuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada iyo doorka ciidamada ammaanka ee sugay xasilloonida iyo amniga goobaha codbixinta.


 

Dhanka kale, hambalyo ayaa loo diray xildhibaannada ku guuleystay kuraasta Baarlamaanka, iyadoo loogu baaqay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan bulshada degmada Xarshin iyo guud ahaan shacabka Deegaanka Soomaalida.


 

Natiijada kama dambaysta ah ee kuraasta iyo codadka musharraxiinta ayaa la filayaa in si rasmi ah loo faahfaahiyo marka guddiga doorashooyinku soo saaro warbixinta dhamaystiran.



     
Loading...