Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Shaaciyey Qorshe Lagu Hirgelinayo Beddelka Kelyaha

Saturday August 29, 2026 - 15:13:47
hadhwanaagnews
"Waxaan samaynaynaa sidii qofka loogu beddeli lahaa kelyaha.



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in Xukuumaddu waddo qorshe lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee la xidhiidha xanuunnada kelyaha, gaar ahaan sidii mustaqbalka dalka looga hirgelin lahaa adeegga beddelka kelyaha.

 

Wasiirka ayaa sheegay in sifaynta kelyuhu tahay adeeg muhiim ah oo caawiya bukaannada kelyuhu shaqayn waayeen, balse aanu ahayn xal kama dambays ah.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxaan samaynaynaa sidii qofka loogu beddeli lahaa kelyaha. Ilaa taas la helo, xanuunkan iyo dhibkan kama bixi karno. Sifaynta kelyuhu waa xal muddo kooban ah.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumaddu qorshaynayso in la sameeyo xarun casri ah oo gudaha Somaliland ah, taas oo lagu qaban karo adeegga beddelka kelyaha, isaga oo xusay in adeeggaasi uu faa’iido weyn u yeelan karo bukaannada, gaar ahaan dhalinyarada.

 

"Waxaa noo qorshaysan haddaanu nahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, oo aanu Madaxweynaha kala tashanay, guddoomiyaha xisbigu ogyahay, in aanu samayno meel casri ah oo dadka kelyaha loogu beddeli karo.”

 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa lagu kordhiyey mashiinno cusub oo casri ah oo bixiya adeegga sifaynta kelyaha, si loo ballaadhiyo awoodda adeegga iyo tirada bukaannada loo fidin karo daaweynta.

 

Beddelka kelyaha waa hab daaweyn oo qofka qaba xanuunka kelyaha ee heerka ugu dambeeya loogu beddelo kelyo caafimaad qabta oo laga helo deeq-bixiye ku habboon. Hirgelinta adeeggan gudaha dalka ayaa haddii la suurtageliyo yareyn karta ku-tiirsanaanta sifaynta kelyaha oo keliya.

 

Wasiir Xuseen Bashiir Xirsi ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo lagu qabtay Xarunta Xisbiga WADDANI, halkaas oo uu kaga jawaabay su’aalo la xidhiidha xaaladda caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaad iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo daryeelka bukaannada qaba xanuunnada daba-dheeraada, isaga oo sheegay in horumarinta adeegyada caafimaad ay ka mid tahay qorshayaasha Xukuumadda.

     
Loading...