hadhwanaagnews
Masuul kasoo jeeda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Somaliland, isla markaana ay suurtagal tahay in mustaqbalka la aqoonsado Somaliland haddii arrimuhu u socdaan jihada saxda ah.
Mudane Dherar Belhoul Al Falasi, oo hore uga tirsanaa baarlamaanka Imaaraadka Carabta isla markaana madax ka ah mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee la-talinta istiraatiijiyadeed ee UAE, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay barnaamij warbaahineed.
"Waxaan xidhiidh wanaagsan la leenahay Somaliland. Haddii ay wax walba dhabaddii saxda ahayd ku sii socdaan, waan aqoonsan doonnaa Somaliland. Tani way dhici doontaa goor ay dhacdaba,” ayuu yidhi Dherar Belhoul Al Falasi.
"Waa In La Abaal Mariyaa Dadka Wanaagsan”
Masuulkan Imaaraatiga ah ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la taageero dhinacyada nabadda iyo xasilloonida ku tallaabsanaya, halkii la abaalmarin lahaa kooxaha xagjirka ah.
"Waa inaan abaalmarinno dadka wanaagsan, halkii aan abaalmarin lahayn Al-Shabaab iyo kuwa la midka ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkaasi ayaa si weyn usoo jiitay falanqayn siyaasadeed, gaar ahaan marka la eego xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka
Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay yeeshay iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin:
Maalgashiga Dekedda Berbera
Arrimaha amniga
Kaabayaasha dhaqaalaha
Iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed
Dekedda Berbera iyo goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ayaa si weyn usoo jiitay indhaha quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Hadal-heyn Siyaasadeed
Hadalka masuulkan Imaaraatiga ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo doorka ay ka ciyaarayso siyaasadda Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo dowladda Imaaraadka Carabtu kasoo saartay aqoonsiga Somaliland, hase yeeshee hadalkan ayaa sare u qaaday hadal-heynta ku saabsan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac.