hadhwanaagnews
Noloshu waa sida laadhuuda; marna si dhab ah uma ogaan kartid waxa tallaabada xigta kuu siddo. Maanta waxay kuu noqon kartaa maalin farxadeed, berri se waxay noqon kartaa maalin imtixaan iyo duruufo adag leh.
Sidaas darteed, waa inaan Alle talo saaranno, mar walbana khayr weydiisanno. Marka aynu faraxsan nahay, aynu Alle ku mahadnaqno; marka aynu dhibaataysan nahayna, aynu samir yeelanno oo naxariistiisa rajayno.
Ha ku degdegin inaad ka quusato nolosha marka ay wax kuu adkaadaan, hana iloobin Alle marka ay wax walba kuu hagaagsan yihiin. Noloshu way is beddeshaa, duruufuhuna way kala duwan yihiin, balse qofka Alle talo saartaa wuxuu qalbigiisa ku beeraa rajo iyo degganaansho.
Waxa berri dhici doona ma garanayno, laakiin waxaan Alle ka baryi karnaa inuu inoo doorto waxa khayrka inoo leh.
Allow, maalmaheenna ku galladee khayr, qalbiyadeenna ku beer xasillooni, dhibaatadana naga dulqaad. Allow, waxa aynaan garanayn ee mustaqbalka inoo yaalla nooga dhig kuwo khayr leh, adduun iyo aakhirana nagu galladee wanaag.
Aamiin, yaa Rabbal-caalamiin.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!