Marka aynu dunidan ka tagno, waxa inaga hadhaya waa raadkeennii
Waan tegaynaa, waxaana dunidan kaga tagaynaa raad iyo xusuus. Waxa keliya ee aynu rajaynaynaa waa in raadkeennu noqdo mid qurux badan, wanaagsan oo dadka inaga dambeeya ay ku xusuustaan wanaag.
Waan tegaynaa, waana kala tagaynaa, balse waxa aynu rajaynaynaa inaan mar kale ku kulanno maalin aynu dhammaanteen faraxsan nahay. Dunidan qofna kuma waarayo, maalin ayaana aynu ka tegi doonnaa dadka aynu jecelnahay, qoysaskeenna, asxaabteenna iyo dhammaan inta aynu nolosha wadaagnay.
Marka aynu dunidan ka tagno, waxa inaga hadhaya waa raadkeennii wanaagsanaa, jacaylkii aynu dadka la wadaagnay, hadalladii quruxda badnaa iyo camalkii suubanaa ee aynu samaynay.
Sidaas darteed, ku dadaal inaad dadka uga tagto xusuus wanaagsan. Ula dhaqan si naxariis leh, cafi inta aad awooddo, wanaagna la wadaag. Maalinta aad ka maqnaato, ha lagugu xusuusto wanaag, hana laguu duceeyo.
Ha ku dadaalin oo keliya inaad nolol qurux badan ku noolaato, ee ku dadaal inaad raad qurux badan ka tagto.
Duco
اللهم اجمعنا بمن نحب في الفردوس الأعلى
Allow, nagu kulmi dadka aynu jecelnahay Jannatul Firdowsa ee ugu sarraysa. Aamiin.