HADHWANAAGNEWS
Badhasaabka gobolka Saaxil, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa faahfaahin ka bixiyay horumarka ballaadhan ee ka socda magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka, isaga oo si gaar ah u xusay koboca dhinaca warshadaha.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in gobolka Saaxil uu noqday meel ay si xooggan uga hirgelayaan mashaariic warshadeed, kuwaas oo qaarkood la dhammeeyay, halka kuwo kalena ay weli dhismayaan, taas oo muujinaysa koboc dhaqaale oo sii kordhaya.
"Magaaladan Berbera ama gobolka Saaxil horumar badan baa ka socda, waxa ka socda in warshado badan ay qaar dhismeen, qaarna dhismayaan,” ayuu yidhi Badhasaabku.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee biyaha ay ku leeyihiin horumarka warshadaha iyo nolosha bulshada, isaga oo ku bogaadiyay Wakaaladda Biyaha Berbera iyo injineerada ka shaqeeyay hirgelinta mashaariicda biyaha.
"Biyuhu waa laf-dhabarta nolosha iyo horumarka. Wakaaladda iyo injineerada dhammaantiin waan idin hambalyeynayaa,” ayuu raaciyay.
Hadalka Badhasaabka ayaa muujinaya in gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera, uu si isa soo taraysa ugu jihaysan yahay inuu noqdo xarun dhaqaale iyo warshadeed oo muhiim u ah Somaliland.