Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe JSL oo Soo Xidhay Tababar ku Saabsan CG Model

Saturday March 07, 2026 - 12:49:59
HADHWANAAGNEWS
Munaasibadda xidhitaanka tababarka waxa ka soo qayb galay



Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha dhaqaalaha ee dalka.


 

Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta Baanka Dhexe ee JSL ayaa diiradda lagu saaray halbeega horumarinta iyo cabbirka dhaqaalaha ee loo yaqaan CG Model, waxaana uu ahaa wejigii labaad ee tababarka ay qaataan shaqaalahan.


 

Munaasibadda xidhitaanka tababarka waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL Yaasin Calase, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda, iyo hay’adda UNDP oo taageero ka geysanaysa barnaamijkan.


 

Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama uu hay’adaha dhaqaalaha ka caawinayo falanqaynta iyo cabbirka xaaladda dhaqaalaha, si loo dejiyo siyaasado iyo qorshayaal lagu horumarin karo dhaqaalaha qaranka.


 

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo munaasibadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dhammaan shaqaalihii ka qayb qaatay tababarka, isaga oo sheegay in arrintani muujinayso in Somaliland ay ka go’an tahay in go’aamada dhaqaale lagu saleeyo xog sax ah iyo cilmi-baadhis.


 

Waxa uu yidhi:

"Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida firfircoon ee aad uga qayb qaadateen tababarkan saddexda maalmood socday. Waxa halkan ka muuqata in hay’adaha dawladdu ay doonayaan in la xoojiyo go’aan qaadashada ku dhisan xog ogaalnimo iyo cilmi-baadhis dhaqaale, taas oo muujinaysa sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay arrintaas.”


 

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL, Yaasin Calase, ayaa sheegay in aqoontan ay tahay mid la mid ah shaybaadhka lagu baadho dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la helo xog sax ah oo lagu shaqeeyo.


 

Shaqaalaha tababarka qaatay ayaa ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Kaluumaysiga, Baanka Dhexe, iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha dalka.

     
Loading...