"Waa la Arki Doonaa Maxamed Kaahinnoow Halka ay Kula Gaadho" Xasan Shahar

Tuesday October 28, 2025 - 12:41:04
hadhwanaagnews
Xasan Shahar oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Kamaan



Siyaasiga Xasan Cabdi Cali Xasan (Shahar) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Sidoo kale siyaasi Xasan Shahar waxa uu ku eedeeyay guddoomiye Maxamed Kaahin oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha JSL uu ku fashilmay maaraynta arrintii ka dhacday Laascaanood, isla markaana uu sabab u ahaa in magaaladasi ay ka baxdo gacanta JSL.

Xasan Cabdi Cali oo shalay Warbahinta kula hsflsy magaalada Hargeysa ayaa waxa uu u soo jeediyay guddoomiayha Xisbiuga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed in uu raaligalin ka bixiyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay ee ahaa in dadkii doortay Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay ahaayeen faqasha.

Xasan Shahar oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Kamaan filayn Maxamed Kaahin boqolkiiba siddeetan dadka reer Somaliland in uu ku yidhaahdo waa Xamar, ceeb ayay qaranka ku tahay isaga iyo xisbigiisa ba. Aniga oo ixtiraam badan u haya isaga oo ah nin mujaahida ah, in guddoomiyuhu uu haddana garanwaayo dadkii iyo dalkii uu u soo halgamay oo uu ku yidhaahdo hadalkan deelqaafka ah maanta lagaama filayn laakiin way kaa dhacday. Waxaanan ku odhan lahaa raali-gelin ka bixi.”

Siyaasi Xasan Shahar waxa kale oo uu intaasi ku daray "Maxamed Kaahin waxaan leeyahay, waxaad ahayd Wasiirkii arimaha gudaha Somaliland ee loo diray Laascaanood, caqli kumaad maamulin, awoodna kumaad maamulin arrintaa Laascaanood, waxaad ku soo noqotay Muuse Biixi adiga oo hargo-madhan ka sida. Ilaa imika waan is-waydiinayaa sida ay wax kaa noqdeen, kugu dhaliili maayo taas oo waynu soo dhaafnay waana ta aad codka ku wayday. Marka aad Unmaddii oo dhan ku tidhaahdo waa faqash xagee ayaad dalka iyo dadka ku waddaa. Waxaan ku leeyahay dadka raaligalin sii, waxa aad tahay nin guddoomiye xisbi ah oo musharaxa oo tacab badan Ummadan soo galiyay, balse Ummadda hadalkaa xaal ka sii, hadalkaa kaa yimid waa mid adiga wax ku yeelayee”.

 

Siyaasi Xasan Shahar waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed in uu bulshada raali-gelin ka siiyo hadalkiisi deelqaafka iyo meel-ka-dhaca ku ahaa ee ahaa bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi "Guddoomiye Maxamed Kaahin waxaan leeyahay in aad shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland aad hadalkaas u quudho waxaan u arkaa ceeb aad qaranka iyo xisbigaaga ba u soo jiiday, waanan ka xumahay in hadalkaasi kaa soo dhaco. Waxaad tahay nin guddoomiye ah oo qarankan tacab badan ku leh, markaa hadalkaa bulshada raaligelin ka sii, haddii aad dadka reer Somaliland boqolkiiba siddeetan u taqaano in ay faqash yihiina kuba daa waa la arki doonaa halka ay kula gaadhee.”

     
Loading...