HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare Mudane Aadan Beder, oo ay weheliyeen madax-waaxeedyo, isu-duwayaal gobol oo ka tirsan KTS iyo xubnaha Project Coordination Unit (PIU) ee mashruuca REJO-KAABA, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay khabiir sare Dr. Jamil Shil, oo ah la-taliye ka tirsan Bangiga Adduunka.
Kulammadan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray:
Waxqabadka Komishanka Tacliinta Sare muddadii uu jiray
Caqabadaha ka jira tacliinta sare
Fursadaha horumarinta iyo xalalka la hirgelin karo
Khabiirka Bangiga Adduunka Dr. Jamil Shil, oo khibrad dheer u leh tacliinta sare, ayaa xubnaha weftiga la wadaagay aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, iyadoo la yeeshay is-weydaarsi aqooneed oo qoto dheer.
Ugu dambayn, kulammadaasi waxay ku soo dhammaadeen:
Khibrad-wadaag muhiim ah
Xoojinta wada-shaqaynta KTS iyo Bangiga Adduunka
Iyo sidii Bangiga Adduunku door muuqda uga qaadan lahaa horumarinta tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.