Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland oo La Kulantay African Parks

Wednesday February 18, 2026 - 16:17:21
HADHWANAAGNEWS
Doodaha kulanka ayaa si gaar ah u taabtay:

May be an image of one or more people, table and text


Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland ayaa kulan la yeeshay wefti ka socday African Parks oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

 

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Duurjoogta, waxaana diiradda lagu saaray qorshaha Somaliland uga hirgelin karto Beero Qaran (National Parks) oo waaweyn, si loo ilaaliyo deegaanka, duur-joogta iyo kobcinta dalxiiska.

 

Ilaalinta Duur-joogta iyo Dalxiiska

 

Doodaha kulanka ayaa si gaar ah u taabtay:

 

Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah

 

Horumarinta maareynta duur-joogta

 

Abuurista fursado dalxiis oo waara

 

Sidoo kale, kulanka waxaa qayb ka ahaa Cheetah Conservation Fund (CCF), oo ka shaqaysa xanaanaynta iyo daryeelka harimacadka, taas oo door muhiim ah ka qaadan karta ilaalinta noocyada duur-joogta ee halista ku jira.

 

Tallaabo Muhiim ah

 

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca ilaalinta deegaanka, isla markaana kor u qaadaya dadaallada lagu horumarinayo dalxiiska iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

     
Loading...