Dawlad Iyo Qabyaaladi,Meel Ma Wada Degaano,Gartoo Waa Dab Iyo Dhagax,Idina Waysku Dhufataan.

Thursday September 25, 2025 - 17:04:10
hadhwanaagnews
1-Dib U Socosho Mooyee,Daahir Meeshu Kaga Tegay,



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Dib U Socosho Mooyee,Daahir Meeshu Kaga Tegay,

 

Miya Meeris Lagu Daray,Haddaan Loga Sii Darin.


 

 

2-Duulkan Beesha Dhexoow,Dalka Laguma Dhaqi Karo,

 

Dawladnimo Qabyaalad Ah,Dabaad Gaas Dulhaysan.


 

 

3-Durugtayo Dalkii Waxa Duday,Daahyadii Bariga,

 

Dawlad Loo Sameeyo Dagaal,Dirira Loo Sheegay.


 

 

4-Degenaasho Iyo Nabad Darbaa,Loogu Dawgalaye,

 

Diidayoon Wanaag Doonahayn,Deris Wadaagiina.


 

 

5-Durbaan Looga Tumay Meelo Daran,Ay Ku Dumiyeen,

 

Dawo Ma Leh Qabyaaladi,Sidu Duubcadeba Sheegay.


 

 

6-Dareen Xuunsho Inay Yeelato,Cadawgu Soo Doonto,

 

Daldaloolkan Muuqdiyo Demenida,Dawladee Talisa.


 

 

7- Daalkii La Soo Maray Duruus,Dadku May Ka Barano,

 

Dadkeenaana Ugu Wacan Garo,Daanaday Mudatay.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

Ismail handuleh <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...