Xubnaha guddidu waxay su'aalo ka weydiiyeen hawlaha ..
Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Hay’adda Caymiska Qaranka, oo dhawaan uu Madaxweynaha magacaabay.
Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Mudane Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu qiimeeyo xilka iyo waajibaadka Hay’adda.
Xubnaha guddidu waxay su’aalo ka weydiiyeen hawlaha iyo qorshayaasha dhow ee hay’adda, kuwaas oo si hufan looga jawaabay.
Guddida ayaa ku adkeeyay inay sii wadi doonaan wada-shaqaynta joogtada ah si loo hubiyo in hantida qaranka loo adeegsado mas’uuliyad, hufnaan iyo sharci waafaqsan.