2 Jawaabaha badanaa kuma qanciyaan.
1. Badi wada sheekaysigu micno kuuma lahaado.
Keliya waxa aad xiisaysaa inaad ka qaybqaadato wadasheekeysiga dhalinayaaya doodaha ama kuwa shucuurta kicinaaya.
2 Jawaabaha badanaa kuma qanciyaan.
waxaad naftaada ka oran kartaa, "Haye… waa hagaag,” laakiin maskaxdaadu waxay marar badan isweydiisaa: "Laakiin maxay taas ka dhigan tahay? Maxaa xiga? Ma intaas baa kaliya?” "Haye keliya, ma ku filan tahay?
3. Waxaad TV-ga u daawataa sabab aan ahayn madaddaalo.
Waxa aad ka helaysaa wax dhaafsiisan madaddaaalo . Wax ka wayn waqtilumis ayaa u daawataa ; laga yaabaa in xasuusqor ka qaadato, si aqoon uga korodhsato.
4. Waxaad ku qabato waqtigaaga firaaqada, waxaad ka leedahay ujeeddo
Waxaad si sax u taqaan waxa aad qabanayso iyo sababta u qabanayso. Hawl kasta oo aad samaynaysana, qorsho ayaad ku wajahdaa.
5. Maalin kasta wax cusub ayaa barataa.
Ma jirto maalin kusoo marta oo aannad wax baran. Badi waxa dareentaa inaad wax badan baranayso ama wax badan kuu kordhayaan, taasina qayb wayn ka qaadanayso horumarka noloshaada.
6. Waxaad garanaysaa halka ay dadku u socdaan.
Wadahadallada qaybta ka tahay , waxaad si cad u aragtaa halka uu hadalku u jihaysan yahay iyo waxa uu dulucdiisu yahay , sidoo kale halka uu ku soo afmeermi doono.
7. Indhahaagu waa kuwo haya yoolka.
Halka dadka badani ay ku lumaan faahfaahinta dhibaatada ama wadahadallada, adigu waxaad awood u leedahay inaad diiradda saarto arrinta dhammaadkeeda, adiga oo marnaba kaa lumayn guud ahaan xaqiiqda xaalladdu.
8. Tusaallayaashu si dabeeci ah ayay kuugu yimaaddaan.
Waxaad samayn kartaa tusaallayaal tiro badan, adiga xidhiidh ka dhaxaysiinaya mowduuca aad ka hadlayso. Mararka qaar waxaad keenaysaa tusaallayaal aan mowduuca xidhiidh la lahayn, laakiin waxaad awooddaa inaad isku xidho xitaa haddii ayna xidhiidh ka dhaxayn mowduuca ,tusaale ahaan kaxaynta baaskiil ayaa adeegsan kartaa, si aad u sharaxdo sida shirkadduhu u dhistaan hantidooda!
9. Maskaxdaadu hal tallaabo ayay ka horreysaa.
Waxaad tahay qof leh awood fikir oo ka saraysa dadka caadiga ah. Waxaad tahay qof aan si fudud ugu qancin jawaabaha dadka kale bixiyaan.
Had iyo goor waxaad iswaydiisaa: "muxuu yahay waxa xigaa? "Taasi macnaheeddu muxuu yahay?
Wax ayna dadku iswaydiin ayaa adigu iswaydiisaa.
Waxaad leedahay "meta-cognition" taasi oo ah habka uu qofku u fahmo fikirkiisa, dib ugu qiimeeyo fikirkiisa, kana fiirsado go'aamaddiisa.
Meta-cognition waa garashada sare ee kaa dhigaysa inaad dadka caadiga ah ka sareyso, maskaxdaadana waxay u ogolaanaysaa inay tallaabo hore u qaaddo, iyada oo haddii wax laga waydiiyana jawaabteeddu diyaar tahay.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed