Xisbiga Kaah oo ku Baaqey wax ka qabashada Qulqulka Dadka Sharci-darrada ah

Tuesday August 26, 2025 - 14:26:19
hadhwanaagnews
"Anagoo la dareen ah muwaadiniinta, kana falcelinayna cabashada bulshada,...


Sucaad Carimye Odowaa, oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga Kaah una qaabilsan jaangoynta siyaasadda xisbigaasi, ayaa baaq culus u dirtay xukuumadda, iyadoo ka digtay khataraha ka dhalan kara qulqulka dadka sida sharci darrada ah u soo galaya dalka.

Marwo Sucaad ayaa sheegtay in arrintani ay si weyn uga walaacsan yihiin shacabka reer Somaliland, isla markaana xisbiga Kaah uu si dhow ula socdo dareenka bulshadu ka muujisay xaaladdaasi.

"Xisbiga Kaah waxa uu ka jawaabayaa dareen shacab, oo ku aaddan qulqulka dadka sharci darrada ah ee maanta waddanka buuxiyay, kuwaas oo khatar ku ah amniga, dhaqaalaha iyo midnimada bulshada,” ayey tidhi Marwo Sucaad.

Waxay sheegtay in xisbiga Kaah uu aaminsan yahay in aan la iska indha tiri karin walaaca shacabka, maadaama ay jiraan cabashooyin isa soo taraya oo la xidhiidha saamaynta dadkaasi ku yeelan karaan xasilloonida dalka.

"Anagoo la dareen ah muwaadiniinta, kana falcelinayna cabashada bulshada, waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda inay si degdeg ah uga jawaabto arrintan, si looga hortago dhibaatooyin kale oo laga yaabo inay ka dhashaan qulqulka dadkan sharci darrada ah,” ayey hadalkeeda ku dartay.

Xisbiga Kaah ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in dadka sharci darrada ku jooga dalka aysan ahayn oo kaliya arrin amni, balse ay keeni karto nacayb bulsho, cadaawad sokeeye iyo burbur ku yimaada is-aaminaadda bulshada dhexdeeda.
     
Loading...