Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijisay in in ka badan 6,000 fiisooyin arday caalami ah la hakiyay, kadib markii lagu helay ku xadgudub sharciyada socdaalka iyo joogitaan ka badan muddadii loo oggolaa dalkaas. Warbixin ay soo saartay Wasaaraddu Isniintii ayay ku sheegtay in intooda badan ardaydaasi lagu helay falal ay ka mid yihiin weerarro jireed, wadista gaadiid iyadoo la adeegsanayo daroogo, xatooyo iyo eedeymo ku saabsan taageeridda argagixisada.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah siyaasadda adag ee socdaalka oo uu sii adkaynayo maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo si gaar ah u saameynaysa ardayda caalamiga ah ee waxbarashada u taga Mareykanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in in ka badan 6,000 oo fiisooyin arday caalami ah laga hakiyay sababo la xidhiidhaa ku xadgudub sharciyada socdaalka iyo falal kale oo dambiyeed.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 4,000 oo fiiso dib looga noqday kadib markii ardaydaasi lagu helay dembiyo iyo sharci-jebinno ay ka mid yihiin joogitaan sharci-darro ah iyo falal kala duwan oo ka dhan ah shuruucda dalka. Sidoo kale, 200 ilaa 300 fiiso ayaa si gaar ah loo laalay, iyadoo loo cuskaday eedeymo la xidhiidhaa "falal argagixiso” oo lagu qeexay Qodobka 3-aad ee Sharciga Socdaalka Mareykanka. Qodobkani wuxuu si ballaaran u sharaxayaa "fal argagixiso” inuu yahay ficil kasta oo khatar ku ah nolosha dadka, ama jebiya shuruucda Mareykanka, xitaa haddii uu yahay hanjabaad ama taageero muuqata oo loo fidiyo kooxo loo arko argagixiso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in tallaabadani ay ka caawinayso in la ogaado "wax kasta oo muujinaya nacayb, cadowtinimo ama halis loo qabo muwaadiniinta Mareykanka, dowladda, dhaqanka, hay’adaha, ama mabaadi’da aasaasiga ah ee dalka.”
Inkasta oo aanay Wasaaraddu si cad u qeexin waxa loola jeedo "taageeridda argagixisada,” haddana maamulka Trump ayaa hore ugu bartilmaameedsaday arday iyo dhalinyaro ka qeyb galay mudaaharaadyo lagu taageerayayFalastiiniyiinta iyo dagaalka Qasa, isagoo ku eedeeyay inay muujiyeen naceyb ka dhan ah bulshada Yuhuudda.
Tallaabadan ayaa abuurtay walaac xooggan oo caalami ah, iyadoo arday badan oo dunida ka kala yimid ay ku riyoonayeen waxbarasho jaamacadeed oo Mareykanka ah. Go’aanka ayaa khatar ku noqday rajadii kumannaan arday oo doonayay fursad waxbarasho.
Dhanka kale, dhawaan ayay ahayd markii Mareykanka ku dhawaaqay inuu joojinayo dhammaan fiisooyinka dalxiiska ee dadka Qasa, tallaabo ay cambaareeyeen ururrada xuquuqda aadanaha ee Falastiin. Hay’adda Gargaarka Carruurta ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanku leeyahay "saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin” oo gaadhaysa carruurta iyo qoysaska u baahan gargaar caafimaad iyo waxbarasho.
Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan dadka loo arko inaytaageeraan, caawiyaan, ama horumariyaan kooxo argagixiso ah, ama ku lug leeyihiinhanjabaado kale oo amniga qaranka halis gelinaya, iyo sidoo kalexadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah bulshada Yuhuudda, sida hanjabaad ama rabshad.
Inkasta oo Wasaaraddu aanay si cad u qeexin waxa loola jeedo "taageeridda argagixisada,” haddana maamulka Trump ayaa bartilmaameedsaday qaar ka mid ah ardayda ka qeyb galay mudaaharaadyo taageerayaFalastiiniyiinta iyo dagaalka Qasa, iyadoo lagu eedeeyay inay muujiyeendhaqan naceyb ah oo ka dhan ah dadka Yuhuudda.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac weyn maadaama saameynteedu ay gaadhayso arday badan oo hadda wax ka bartay Mareykanka, kuwaas oo rajeynaya in mustaqbalka waxbarashadooda ay ku sii wataan dalkaas.
Sidoo kale, dhawaan ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku dhawaaqday inay joojinaysodhammaan fiisooyinka dalxiiska ee dadka Qasa, taasoo qeyb ka ah "dib-u-eegis buuxda oo dhamaystiran” oo lagu sameynayo nidaamka bixintafiisooyinka caafimaad iyo kuwa bini’aadanimoee maalmihii u dambeeyey.
Go’aankan ayaa si weyn u cambaareeyay ururrada xuquuqda aadanaha ee Falastiin.Hay’adda Gargaarka Carruurta ee Falastiinayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tallaabadu ay yeelan doonto "saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin,” taasoo gaadhaysa carruurta iyo qoysaska u baahan gargaar caafimaad iyo waxbarasho.