In ka badan 200 oo weli la raadinayo dalka Baakistaan

Monday August 18, 2025 - 11:16:14
hadhwanaagnews
Daadad xooggan ayaa maalmihii las oo dhaafay ku dilay in ka badan 300



In ka badan 200 oo qof ayaa weli lagu la'yahay hal degmo oo ku taalla waqooyi-galbeed ee Baakistaan kaddib markii fatahaado ay ka dhaceen halkaasi, sida uu sheegay sarkaal dawladda u hadlay.

Daadad xooggan ayaa maalmihii las oo dhaafay ku dilay in ka badan 300 oo qof Pakistan iyo gobolka ay Pakistan maamusho ee Kashmir, iyadoo dhimashada ugu badanna laga diiwaan geliyay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee buuraleyda ah.

Sarkaal maxalli ah oo ku sugan degmada Buner ee ay sida ba'an u saameysay fatahaaddu ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 209 qof lagu la'yahay halkaasi, balse laga cabsi qabo in tiradaasi ay korodho.

Kooxaha samatabbixinta ayaa aasay siddeed meyd oo aan la aqoonsan maaddaama aanay jirin cid sheegata ayuu yidhi Jehangir Khan, oo ah afhayeenka guddoomiyaha Buner.

     
Loading...