Balan qaadkii madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan ciro ee wakhtigii....
Waxa si rasmi ah bishan u dhaqan galay go’aankii Madaxwaynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee qiima dhimista Laydhka magaalada Berbera kaas oo bishan laga dhigay $0.20 dollar halkii Unit, halka uu markii hore ka ahaa $0.39 halkii Unit.
Horaantii Sanadkan ayey ahayd markii Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi safar uu ku tagay magaalo xeebeedka Berbera uu ku dhagax dhigay mashruuc lagu balaadhinayo laydhka Magaalada Berbera kaasi ay oo ku baxaysay lacag dhan 20 Milyan oo dollar oo uu Somaliland ka caawiyey Baanka Aduunka (World Bank).
Madaxwaynaha Somalialnd ayaa madasha lagu dhagax dhigayey mshruuca balaadhinta laydhka Berbera waxa uu ka sheegay in hoos loo dhigi-doonto qiimaha laydhka lana gaadhsiin doono 0.20% halkii unit bisha 7-aad ee sanadka 2025ka.
Magaalada Berbera oo hore u la daalaa dhacayey kulaylka xad-dhaafka ah ee wakhtiga xagaaga iyo qiimaha lacagta bulshada ay shirkadaha laydhku ku soo dalacaan oo qaali ahaa awgeed ayaa haatan la filaayaa in mashruucan koronta balaadhintu uu noqon doono mid wax wayn ka badala noqolasha iyo ganacsiga shacabka reer Berbera.
Balan qaadkii madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan ciro ee wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada ayaa ahaa in hadii uu ku guulaysto talada dalka uu mashaariicda ugu horeeya ee Berbera laqaban doonaa uu ay noqon doonto hirgalinta koronto jaban oo laysku halayn karo ayaa haatan noqday mid guulaystay isla markaana wax wayn ka badali doona nolosha iyo ganacsiga reer Berbera.