Waxaanu yidhi."Gobolku wuu laangadheynayay ee inaad ...
Suldaan Xasan Xadi Baade, oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uga mahadnaqay dadaalka uu ku gaadhsiiyay gobolka mashaariic horumarineed, isaga oo sidoo kale codsaday in la dhammeystiro hawlo weli taagan.
Suldaanka oo ka hadlayay munaasabad uu madaxweynuhu kula hadlayay Madax-dhaqameedka gobolka Awdal.
Suldaan Xasan Xadi wuxuu xusay in weli ay jiraan hawlo dhiman oo muhiim u ah gobolka, kuwaas oo uu Madaxweynaha ka codsaday in si gaar ah loo eego loona fuliyo:
Waxaanu yidhi."Gobolku wuu laangadheynayay ee inaad gobollada kale gaadhsiiso waanu kaaga mahadnaqaynaa madaxweyne, intaasi aanu imika helayba maanu heli jirin ee waad ku mahadsan tahay.
Madaxweyne waxa jiray hawlo sidii aad dalka ugu dhaaratey dhinac ka yara raran madaxweyne halkaasi sigaara ayaanu kugu sheegi doona waana hoga tusaaleyn”
Gaba-gabadii Suldaanka ayaa tilmaamay in bulshada Awdal ay diyaar u yihiin inay xukuumadda la shaqeeyaan, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan fulinta ballanqaadyadii la sameeyay.