Wasiir Hore Buuni oo Weerar Afka ah ku Qaaday Mucaaradka Ka Qaybgalay Khudbaddii Madaxweynaha

Wednesday April 15, 2026 - 17:54:23
HADHWANAAGNEWS
Buuni ayaa sheegay in cidda keliya ee dhaliili karta khudbadda



Wasiir hore Buuni ayaa si adag uga hadlay khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu shalay ka hor jeediyay labada gole ee qaranka, isaga oo dhaliil u jeediyay xubnaha mucaaradka ee goobta fadhiyay.


Buuni ayaa sheegay in cidda keliya ee dhaliili karta khudbadda ay tahay kuwa aan goobta joogin balse si dibadda ah u dhagaystay, halka uu tilmaamay in xubnihii mucaaradka ee madasha joogay aysan xaq u lahayn dhaliil maadaama ay sacab u tumayeen intii khudbadda socotay.


"Khudbaddii Madaxweynaha waxa dhaliili kara oo kaliya cid aan madasha joogin balse dhagaysatay. Qofka fadhiyay ee xisbi mucaarad ka socday ma dhaliili karo, waayo sacabka ayuu tumayay—markaa ma sacabkii ayaad wax ka sheegi?” ayuu yiri Buuni.


Hadalka Buuni ayaa imanaya xilli ay weli dood ka taagan tahay nuxurka khudbadda Madaxweynaha iyo aragtiyada kala duwan ee ay ka qabaan siyaasiyiinta iyo bulshada.

     
Loading...