Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo guuto Cabdi Xasan Mire ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Saldhig Boolis oo laga hirgalinayo Magaalada Ina Cunaaye oo ka tirsan Gobalka Hawd. Sarreeyo guuto Cabdi Xasan Mire oo hadal ka jeediyay dhagax-dhigga saldhigan ayaa waxa uu sheegay in Saldhigan iyo ciidamada boolisku ay la dagaalami doonaan kootarabaanka iyo mukhaadaraadka.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo guuto Cabdi Xasan Mire waxa kale oo uu sheegay in taliska ciidanka Boolika Somailand ay Saldhiggan u soo dhammaystiri-doonaan baahiyaha asaasiga ah ee uu u baahan yahay, sida ciidanka iyo agabka kale eel agama maarmaanka u ah shaqada Saldhigan, dadka deegaankana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan oo is garabtaagaan ciidanka.
Sarreeyo guuto Cabdi Xasan Mire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Ciidanka Booliska JSL wixii waajib ah ee saldhigani u baahan yahay wuu u soo dhammaystirayaa, hadday tahay xagga ciidanka iyo xagga agabka ba, taliyaha Ciidanka booliska iyo odayaasha deegaankuna way iska arkeen arrintaas, wixii kale deegaanka iyo gobalka ayaa ku filan, waxaana muhiim ah sidii kootarabaanka iyo mukhaadaraadka loola dagaalami lahaa, haddii aan dadweynuhu ciidanka booliska gacan siinin waxba ma qaban karo boolisku”.
Maayarka Magaalada Baligubadle Shiine Cabdi Hayaan oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la adkeeyo amniga deegaanka, waxaana uu yidhi "Waxa aanu dhagax dhignay saldhigii booliska ee Ina Cunaaye, waxa aynu doonaynaa in aynu adkayno amniga deegaanka oo aynu ka hortagno mukhaadaraadka”.
Guddoomiyaha Gobalka Hawd Maxamuud Xasan Saleebaan Doob oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in rugtan boolisku ay wax badan ka tarayso amniga, waxaana uu yidhi "Rugtan boolisku wax badan ayay ina taraysaa oo arrimaha amniga ayay ka qayb-qaadanaysaa, waxa kale oo ay ka qaybqaadanaysaa wada noolaashaha iyo in wax laga qabto hadii ay dhacdo in dad isku xadgudbo, haddii boolis meesha joogo nabedgalyo ayaa jirta”.
Sidoo kale Siyaasi Cabdihaybe Muxumed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Taliyaha Ciidanka booliska waanu is aragnay waxa uu noo balanqaaday wixii suura gal ah ee ku baxaya saldhigan in uu bixiyo, wixii kale dadka deegaanka iyo degmadu ha isku tashadaan”.