Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro aya fidiyey gogol nabadeed oo lagu xoojinayo wada noolaanshaha iyo walaaltinimada bulshada gobolka Sanaag.
Gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay gobolka Sanaag oo lagu qaban doono xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa ah gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo isla markaana lagu dhammaynayo shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag.
Waxaa kale oo gogoshaas nabadeed lagu xoojinayaa walaalnimada bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan bulshada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa guud ahaan beelaha wada dega gobolka Sanaag ugu baaqay in ay beel kastaa dhankeeda ka shaqayso nabadgelyada, walaalnimada iyo wada jirka bulshada gobolka Sanaag.
Nuxurka War-saxaafadeedka gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan, ayaa u dhignayd Sidan.
War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo ka koobnaa afar qodob oo ka hadlayay gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland dhigay gobolka Sanaag, ayaa u dhignaa sidan.
"Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isagoo Ka duulaya masuuliyada qaran ee ka saaran, illaalinta, midnimada iyo nabadda dalka waxaa uu fidiyey gogol nabadeed oo ballaadhan oo uu u dhigay dhammaan beelaha walaalaha ah ee degan gobolka sanaag.
Madaxwaynaha Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Culimada. Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada Haweenka iyo Dhalinyarada gobolka Sanaag hawsha nabadaynta ah, ku biiraan dedaalada lagu sugayo nabad waarta oo ka dhalata gobolka Sanaag
"In nabada iyo wada noolaanshiyuhu ay yihiin tiir-dhexaadka horumarka iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland, in Beel-walba oo degta gobolka Sanaag ay xilwayn iska saarto illaalinta nabadda guud midnimada iyo wadajirka bulshada gobolka Sanaag, In xukuumadda Jamhuurayadda Somaliland marwalba garab taagan tahay dedaalada nabadaynta wax kastana u hurayso sidii khilkaaf kasta loogu bedeli lahaa wada hadal iyo isku tanaasul Bulsho, In gogoshan nabadeed lagu xalin doono dhammaan tabashooyinka iyo dhibaatooyinkii hore u dhacay iyada oo la adeegsanayo hab-dhaqameed iyo wada xaajood toos ah oo ku salaysan caddaalad iyo garsoor suuban”.