Aagga Raaxada (Comfort Zone): Cadowga Horumarka.

Thursday June 19, 2025 - 13:49:10
hadhwanaagnews
Aaggan raaxadu waxaa uu hoos u dhiggaa awoodda maskaxda,


Aagga raaxadu waa xaalad nololeed ama maskaxeed oo uu qofku si joogto ah ugu dareemo nabadgelyo, xasillooni, iyo kalsooni. 

Waa meel aanu qofku ka filayn wax cusub, mana jirto baahi uu isugu dayo inuu isbeddel sameeyo ama wax ka beddelo noloshiisa. Waxa laga helaa caadooyin soo noqnoqda, hawlo fudud, iyo nolol aan wax culays ah lahayn. Laakiin marka si qoto dheer loo eego, waa meel laga fogaado koboc, u bareeridda Halisaha iyo horumakaba.

Aaggan raaxadu waxaa uu hoos u dhiggaa awoodda maskaxda, waxuuna yareeyaa hammiga qofka. Waxuu dadka ku beeraa Khiyaali. Inta aad ku nasanayso jawi aan caqabad kugu hayn, xirfadahaaga, kartidaada, iyo himilooyinkaaga ayaa hoos u dhacaya. Waxaad bilaabaysaa in aad ku qanacdo natiijooyinka yar yar, adigoo iska ilooba kartida aad u leedahay wax weyn.

Tani waa sababta uu u yahay cadowga horumarka. Maaha mid si lama filaan ah ku burburiya noloshaada, balse waa mid si tartiib tartiib ah kuu curyaamiya, kuu xaddida, kuguna beera raalli ahaansho aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Haddii aad ku sii negaato aagga raaxada, waxaad luminaysaa fursadaha koboca iyo guusha. Haku raalli noqon nolol caadi ah, adigoo leh karti sare. Ka gudub raaxada khiyaaliga ah, maxaa yeelay horumarka dhabta ah wuxuu ku jiraa meelaha adag.

 Usame Qiyasle
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...