magaca , aqoonta i.w.m.
-----------------------------------------------------------------
Dabeecadaha aadamaha ayay kamid tahay in uu jecel yahay horumarka iyo saraynta ay badhaadhuhu weheliyaan. Tanina waa dhufsane yaraha ay dhamaan ka bani aadam ahaan wadaagno. Waxa se is weydiin mudan sidee ayuu qofku horumar ku xaqiijin karaa? Waxa jira wadiiqooyin badan oo kala gedisan tasoo la xidhiidha aduun araga kal duwan ee aadamaha.
Waxa aan rabaa inaan qormadaydan yar ee kooban idinkula wadaago 2 mabd'a ( principles ) oo la xidhiidha dhanka horumarka qofka. Horumarka aan ka hadlayaa waa midka guud ee ay hoos imanayaan horumarka qof, urur, ganacsi iyo dawladba horumarkaas oo ku wajahan qaybaha nolosha ee kala gedisan sida dhaqaalaha, magaca , aqoonta i.w.m.
Waxyaabaha ay labadan mabd'a lagaarka yihiin ayaa ah in ay kamid yihiin xeerarka ALLE samayga ah ee uu Rabigeen c.w dunida sees uga dhigay. Hadiiba aad rabto marxalada nololeed ee aad ku jirto inaad ka gudubto oo aad uga gudubto mid ka wacan waxa lagama maarmaan ah inaad la timaado talaabooyin badan oo ay labadani ugu horeeyaan:-
1. Xadiga dedaalka:- inta aad ku gudo jirto rumaynta riyadaada waxa qasab ah in aad maanka ku hayso qaacidadan
Input = output oo ah dedaalkaagu hadba inta uu leegyahay ayuu maxsuulkaaga iyo waxsoo saarkaagu leekaanayaa waxana sidan ina leh rabigeen.
وأن ليس للإنسان إلي ما سعي.
Adamuhu malahan wax aan ahayn wixii dedaal ah ee uu sameeyay.
وأن سعيه سوف يري
Dedaalkaagu waa mid aad arkayso ha badnaado ama se ha yaraado'e.
U fiirso ayaada hore waxa ay ka waramaysaa dedaalka ( input ) oo ah midka la'aantii aanad maxsuul helahayn. Waana balanqaad Eebe.
Halka ay aayada danbe ka waramayso waxsoo saarkaaga ama se maxsuulkaaga ( output ) taaso odhanaysa wad helaysaa waxsoo saarkaaga madama oo dedaal la timid balse akhriste markasta maanka ku hay in heerka dedaalkaaga iyo heerka waxsoosaarkaagu isku xidhanyihiin.
2. Ka shaqaynta nafta:- qofku hadiiba uu mar kasta ku fooganyahay sidii uu naftiisa horumar u gaadhsiin lahaa oo dedaalkaasi dhab ka yahay waa mid ku guulaysan doona waxaa uu doonayo. Bal hada ila eeg ayadan
قد أفلح من زكاها.
Waxa liibaanay oo guulaystay midka naftiisa horumarkeeda ka shaqaynaya. Waxana khasaaray kaas lidkiisa oo ah midka hilmaamay naftiisa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!