Duqa degmada Hargaysa ayaa sheegay in qosaska laga raray
Mayer Cabdikariima Axmed Mooge ayaa faahfaahin ka bixiyay qoysas titadoodu dhan tahay 250 oo laga raray Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeisa.
Duqa degmada Hargaysa ayaa sheegay in qosaska laga raray degmada Maxam3ed mooge muddo 15 sano ah ay daganaayeen dhul aanay lahay balse hada wixii ka dambeeya ay dajiyeen dhul iyagu ay iska leeyihiin mulkiyadeeda halkaasi oo ay ka dhisan karaan dhismayaal ay xor u yihiin.
Mayerka oo hadlay ayaa waxa uu sheegay "ALLE waxa uu noo sahlay in dadkeenu meelihii ay ku dhibanayeen aanu ka soo rarno halkana keeno, waan ogahay maal maha dagistu inta hore inay adag tahay, waanu idinla sii joogaynaa ilaa xaafadu ay noqonayso meel nabdoon”