DEG DEG Wararkii U Dambeeyay ee Xaaladda Bariga Dhexe

Wednesday June 18, 2025 - 21:30:14
hadhwanaagnews
Waxa ay ku doodaysaa in ay tahay jariimad ka dhan xaquuqda aadamaha.


Israa!!liyiinta ayaa hadda sheegay in gantaalo hor leh ay ku soo ganeen Iiraaniyiintu deegaanaddooda.
Ciidamadda Israa!!liiyiinta oo ka hadlayay gantalaahan ayaa sheegay in la qabqabtay, in kasta oo aan lagu kalsoonaan karin wararkooda.

Sarah Leah Whitson, oo ah qareen iyo madaxa hay’adda u dooda xuquuqda DAWN oo uu fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka ayaa xaaraan ku tilmaamtay qorshe kasta oo lagu damacsan yahay in lagu dilo madaxa sare ee Iiraaniyiinta.

Waxa ay ku doodaysaa in ay tahay jariimad ka dhan xaquuqda aadamaha.
Taliyaha Milatariga dalka Iiraan ayaa ugu baaqay dadka degan Talaabiiib iyo Xayfa in ay iskaga yaacaan dhulkaasi oo bartilmaameed u ah ciidamadooda.

Cabdiraxmaan Muusafi ayaa yidhi "Dadka degan Magaalooyinka Xayfa iyo Talaabiiib ee dhulka la haystaa ha iskaga qaxaan deegaanada si aanay meesha ugu dhimanin” ayuu yidhi
     
Loading...