Xubnaha qurba-joogga ah ee kulanka ka soo qaybgalay ...
Waaxda Qurba-joogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa Khamiistii 29ka May 2025 ku qabatay Hudheelka Cali Jirde ee ee Hargeysa kulan wadatashi iyo xog is waydaarsi ah, kulan kaas oo ay ka soo qaybgaleen xubno kooban oo ka mid ah haldoorka jaalliyadaha Somaliland ee waddamo kala duwan oo immika ku sugan dalka gudihiisa ama soo guryo noqday.
Ujeedada kulankan ayaa daarranayd in lagu soo bandhigo, isla markaana laga qaybgeliyo oo ay talo ku yeeshaan qurba-jooggu, barnaamijyada waxqabad iyo hawlaha qorshaysan ee ku aadan u adeegista qurba-joogga iyo xoojinta xidhiidhka jaalliyadaha, kuwaas oo waafaqsan Istaraatiijiyadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Xukuumadda Wadajir & Waxqabad ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Agaasimaha Waaxda Qurba-joogga, Marwo Ugbaad Naasir Cumar waxay ugu horrayn ugu bushaaraysay qurba-joogga Somaliland in muddadan kooban ee ay xukuummadani jirtay la diyaariyay Siyaasadda Qurba-joogga Qaranka (National Diaspora Policy) oo la baahin doono dhawaan, taas oo ka mid ah dadaallada cusub iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee ku wahajan arrimaha qurba-joogga iyo xoojinta xidhiidhka jaalliyadaha, isla markaana wax weyn ka tari doonta nidaaminta iyo tayaynta hawlqabadka waaxda, wada-shaqaynta daneeyayaasha kala duwan iyo abaabulka jaalliyadaha, si loo xaqiijiyo ujeedooyin iyo natiijooyin la taaban karo. Waxaa sidoo kale la diyaariyay Adeegga Soo Dhawaynta Qurba-joogga ee Madaarka Cigaal (Diaspora Welcome Desk).
Intaas kadib, Agaasimaha Waaxda Qurba-jooggu waxay halkaas kaga dhawaaqday in la qaban doono Shir-sannadeedkii 6aad ee Qurba-joogga Somaliland, kaas oo hadda kadib noqon doona Todobaadka Qurba-joogga Somaliland (Annual Diaspora Week) oo leh barnaamijyo kala duwan oo la xidhiidha kor u qaadista ka qaybgalka qurba-joogga, loona muddeeyay July 27-31, 2025.
Xubnaha qurba-joogga ah ee kulanka ka soo qaybgalay oo ka socday gaar ahaan jaalliyadaha Somaliland ee dalalka UK, Sweden, Norway, Denmark, Germany, Holland, Canada, Yemen iyo waddamo kale, kuwaas oo ay qaarkood ahaayeen xirfadleyaal si rasmi ah usoo guryo noqday oo ka hadlay kulanka, ayaa dhammaantood tilmaamay inay qurba-jooggu kaalin weyn kaga jiraan dhaqaalaha iyo guud ahaan dhismaha qaranka Somaliland, balse ay haddana jiraan caqabado ay kala kulmaan maalgelinta dalka iyo ka qaybgalkooda horumarinta dalka, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo xoojinta ka qaybgalka iyo xidhiidhka qurba-joogga dalka.
Xubno ka mid ah qurba-joogga ka hadlay kulanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay hindisaha ku saabsan Aasaaska Sanduuqa Qurba-joogga Somaliland (Diaspora Trust Fund), kaas oo ay ku boorriyeen wasaaradda in la dedejiyo ku dhawaaqista iyo hawlgelintiisaba, maadaama uu yahay hannaan lagu nidaaminayo, laguna midaynayo dhaqaalaha ay qurba-jooggu ku taraan dalkooda.