DEG DEG M.Cirro Iyo M. William Ruto Oo Kulmay

Thursday May 29, 2025 - 15:24:06
hadhwanaagnews
Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirr)


Update:Waxaa si rasmi ah hadda u soo gabagaboobay kulan muhiimka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro)iyo Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto. Kulankan, ayaa lagu lafaguray arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, amniga, diblomaasiyadda, iyo kor u qaadidda isdhexgalka bulshada labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dhinac, iyagoo isla qiray in iskaashi dhaqaale iyo mid amni uu yahay furaha xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirr)ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo Golaha Baarlamaanka Kenya halkaas oo uu khudbad ka jeedin doono, taasoo la rumeysan yahay in ay saldhig u noqon doonto garab istaagga ay Kenya u muujinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Galinka dambe ee maanta, Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah xariga uga jari doona qunsuliyadda cusub ee Somaliland ay ku yeelanayso magaalada Nairobi, taasoo astaan u ah sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Somaliland ay raadinayso aqoonsi buuxa oo caalami ah, iyadoo tallaabooyinka noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu muujinayo isku filnaanshigeeda siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena dambe.
     
Loading...