Dawladdaha Imaaraadka Carabta iyo Djabouti ayaan isku san banaanayn....
Madaxweynaha Dalka Djabouti ku dhawaad Sodonka Sano Xukumaya Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabtu in Gobolka u bedelayo meel xasaradi ka jirto isaga oo ugu soo gabanaya Maalgelin.
"Dawladda Imaaraadka Carabtu Waxa ay si qoto dheer u curyaaminaysa Gobolka” ayuu Geelle Yidhi.
"Maalgelimahan ay wadaan maaaha kuwo kuwo Ilo dhaqaale ah” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intaasi ku daray In Imaaraadka Carabtu maal gelintiisa uu dhex wado arrimo Milatari oo xasiloonida Gobolka Meel dheer ka ridaya
""Waxay ku xidhan yihiin ujeeddooyin milatari oo khatar gelinaya madaxbannaanida iyo xasilloonida waddamada Afrika." Ayuu yidhi.
Dawladdaha Imaaraadka Carabta iyo Djabouti ayaan isku san banaanayn, ka dib markii ay Djabouti Eriday Shirkadda DP World oo maalgashatay Dekedaha Djabouti.
Ismaaciil Waxa uu aad ugu xidhan yahay dalkiisu Itoobiya, waxaanu inta badan u arkaa in Dekeda Berbera ay caqabad ku tahay dalkooda, Waxaanay mar horeba cadaysteen cadaawada Somaliland.