Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somalialnd oo Daahfurtay Shirka Hay'addaha Wax soo saarka

Thursday May 22, 2025 - 13:05:12
hadhwaangnews
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta...



Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga ayaa shalay Magaaladda Hargaysa ka daah furtay shirka saddex biloodka ah ee ay isugu yimaadaan hay’addaha wax soo saarka dalka.

 

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Axmed Cabdi Cali (Canter)

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax iyo Agaasimaha guud Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Cismaan Jaamac.

 

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Axmed Cabdi Cali (Canter) oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkan ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyah in la fidiyo wax saarka beeraha.Waxaana uu yidhi”Marka aan ka hadlo wax soo saarka xaga xanaanada xoolaha magaalada hareeraheeda geelal ayaa lagu dhaqaa,umay fikirin calaf meeshii ay uga keeni la haayeen waayo calafkii wuu inagu yar yahay seero la xidhaana majiraan,waxaana loo baahanyahay in la fidiyo siidhka beeraha oo Gu iyo jilaal loo beero xooluhu waxa ay cunayaan”.

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay hadii kor loo qaado tirada xoolaha cidii ka faa,iidaysanaysa ay anfacayso.Waxaana uu yidhi”Xoolaha tiradooda iyo tayadooda kor loo qaado cidii ka faa,iidaysanaysa way anafacaysaa,kalluunka hadii tayadiisa iyo tiradiisa kor loo qaado cidii ka faa,iidaysanaysa way anfacaysaa.sidaa darteed marka wax soo saarka la kordhiyo waxa suurta gala in koritaanka dhaqaalaha suurta galo.”.

 

Sidoo kale Agaasimaha guud Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Cismaan Jaamac oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in la adkayn doono shirkan saddex bilooda hay’addaha wax soo saarka dalka.Waxaana uu yidhi”Shirkan waxa aynu u baahanahay in aynu ka badalno qaab ka macno balaadhan sidaynu hore usoo wadanay oo aynu horumarino oo qorshayaal dhaba oo laga gaadhi karo aynu ku dajino.markaa waa la soo jeedin doonaa wasaarad waliba wixii ay soo qabatay shirkana waa in aynu adkayno saddex bilood lihiisa,”.

 

     
Loading...