Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku soo afjari doono "24 saacadood gudahood."
Toddobaadkii hore, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xal noqon doonin illaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay "isu yimaadaan" oo ay si fool-ka-fool ah uga wadahadlaan.
Isniintii, xaaladdu way is beddeshay mar kale.
Kadib markii uu la yeeshay wicitaan labo saacadood qaatay Putin, Trump wuxuu sheegay in shuruudaha heshiis nabadeed ay tahay in loo wadahadlo oo keliya Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka caawiyo wadaxaajoodkaas Baadariga Vatican-ka.
Trump, ayaa ku tilmaamay wada hadalkaas mid "si aad ah u wanaagsanaa", waxaa sidaas oo kale uu sheegay in shuruudaha nabadda ay tahay in labada dhinac ay si wadajir ah uga heshiiyaan.
Trump, oo qoraal kusoo dhigay bartiisa Truth Social ka dib wicitaanka,waxa uu sheegay: "Ruushka iyo Ukraine waxay si degdeg ah u bilaabi doonaan wadahadallo ku saabsan xabbad-joojin iyo, muhiimadduna tahay buu yidhi soo afjarida colaaada.
Inkasta oo Trump uu muujiyay rajo wanaagsan ka dib wada hadalkii uu la yeeshay Putin, lama sheegin goorta ay wadahadallada nabadeed bilaaban doonaan ama haddii Moscow diyaar u tahay inay wax tanaasul ah ka samayso dalabaadkeeda ku aaddan xabbad-joojinta.
Laakiin Trump waxa uu sheegay in shururadaha arrimaas ku saabsan ay ka wada xaajoon doonaan labada dhinacd.
Mar dambe oo uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan ka noqon doonin kaalinta uu ku leeyahay fududeynta wadahadallada u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, balse wuxuu sheegay inuu "xariiq cas ku hayo maskaxdiisa" oo go'aamin doonta goorta uu joojinayo cadaadiska uu saarayo labada dhinac.
Trump wuxuu beeniyay in Mareykanka uu dib uga guranayo doorkiisa dhexdhexaadinta.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Trump wuxuu si joogto ah u muujinayay cadhada uu ka qabo horumar la'aanta wadahadallada, isaga oo digniin ka bixiyay in Mareykanka laga yaabo inuu dib uga laabto dedaalka nabadeed haddii labada dhinac aysan muujin rabitaan dhab ah.
Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko Ruushka, Trump wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Putin uu ka daalay dagaalka islamarkaana uu doonayo inuu dhammaado.
Dhankiisa Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Yukrayn si loo diyaariyo "Is afgarad ku saabsan heshiis nabadeed oo suurtagal ah mustaqbalka", balse kama uusan hadlin dalabyada Mareykanka iyo wadamada Yurub ee ku aaddan xabbad-joojin aan shuruud lahayn oo socota 30 maalmood.
Putin oo isna ka hadlayey Magaalada Sochi ee Ruushka ka dib wadahadlka waxaa uu ku tilmaamay in wadahalkii dhexmaray isago iyo Trump uu ahaa mid "furan, oo laha xog badan, oo wax dhisaysa."
"Waxaan ku heshiinay madaxweynaha Mareykanka in Ruushku uu soo bandhigo diyaarna u yahay in ay kala shaqeeyaan Ukraine is-afgarad ku saabsan heshiis nabadeed oo suurtagal ah mustaqbalka."
Isagoo hadalkiisa sii wata, Putin wuxuu sheegay in is-afgaradkaasi uu qeexi doonto "qodobo dhowr ah" oo ay ka mid yihiin "mabaadi'da heshiiska, iyo waqti cayiman oo lagu dhammaystirayo heshiiska nabadeed ee suuragalka ah… oo ay ku jiri karto xabbad-joojin muddo go'an ah, haddii la gaaro heshiisyo khuseeya."
Waa markii labaad ee labada Madaxweyne ee Maraykanka iyo Ruushku ay sidan oo kale telefoonno kaga wadahadlaan dagaalka u dhaxeeya ukrian iyo Ruushka oo saddex sanno jirsaday laba bilood iyo maalmo ka hor.
Trump iyo Zelenzky oo iyana wada hadlay
Wadahadalka Trump iyo Zelensky ayaa isna ahaa mid teleefoona kaas oo labada madaxweyne sidaas oo kale ay kaga hadlaan dagaalka iyo xabad joojin lagaadho. waxaa sidoo kale ka qeyb galay wadahadalka Trump iyo Zelenyskay, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen, iyo hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Finland.
Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa mowqifka caalamiga ah ee ku saabsan wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, iyadoo Zelensky uu mar kale adkeeyay in aan laga gaadhin wax go'aamo ah Ukraine la'aanteed isaga oo arrintaas ku tilmaamay "arrimo mabda'a ah" oo muhiim u ah dalkiisa.
Trump ayaa wicitaankaas ku caddeeyay in Mareykanka uusan ka noqon doonin ka qeyb qaadashada geeddi-socodka nabadda.
Zelensky waxaa uu mar kale ku celiyay rabitaanka Ukraine ee ah "xabbad-joojin buuxda oo aan shuruud lahayn",
Zelensky wuxuu intaa ku daray in geeddi-socodka wadahadallada "ay tahay in ay si rasmi ah ugu lug yeeshaan wakiillo ka socda Mareykanka iyo Yurub."
"Waxa muhiim noo ah dhammaanteen in Mareykanka uusan ka fogaannin wadahadallada iyo raadinta nabadda, maxaa yeelay qofka kaliya ee ka faa'iideysanaya taas waa Putin," ayuu yidhi.
Ursula von der Leyen, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, oo ka hadlaysay wadahadallada xoojinta colaada Ukriane ayaa waxa ay sheegtay.
"Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Trump dadaalkiisa aan kala go'a lahayn ee uu ugu jiro xabbad-joojin laga gaadho Ukraine," iyadoo intaas ku dartay: "Waxa muhiim ah in Mareykanku uu sii ahaado mid ku lug leh arrintan."
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in dalabka cusub ee Baadariga, Pope Leo, ee ah in Vatican-ka uu martigeliyo wadahadallo nabadeed, ay ahayd tallaabo ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ku jiray wicitaanka, isla markaana lagu qiimeeyay kuwo "togan."
Horraantii bishan, Baadariga cusub ayaa soo jeediyay Vatican-ka in loo isticmaalo goob wadahadallo nabadeed, kadib markii Madaxweyne Putin uu diiday dalabkii Zelensky ee ahaa inay ku kulmaan Turkiga si ay si toos ah uga wadahadlaan nabadda.
Ruushka iyo Ukraine oo maalmo ka hor ku yeesha Turkeryga kulankoodii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah muddo ka badan saddex sano. Kulankaas waxaa lagu heshiiyay is dhaafsi maxaabiis, balse wax ballanqaad ah laguma samayn xabbad-joojin.
Bbc/somali