Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sheegay in aan duniddu indhaha ka qarsan karin Ictiraafka ay Somaliland xaqa u leedahay, waxaanu xusay in la gaadhay wakhtigii ay Somaliland heli lahayd Aqoonsigii ay mudada badan u dhabar adaygaysay.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yidhi "Waxa la soo gaadhay wakhtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland heli lahayd Ictiraafka ay xaqa u leedahay oo aan Dunidu Iska indho tiri Karin, sanadkan aad ayaan u xoojinaynaa sidii aan u heli lahayn ictiraaf”
Wasiir Bakaal ayaa dhammaan shacabka reer Somaliland ee dunida ku nool gaar ahaan qurba jooga reer Somliland ka codsaday kuna dhiiri galiyey in si midnimo iyo isku duubnaani ka muuqato ay uga qayb qaataan Xuska maalinta 18-ka May.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba aad ugu heelanayeen qiimaynta maalinta Qaran ee Xuska 18-Ka May balse ay ka xukuumad ahaan rabaan sannadkan in si gaara loo xoojiyo Xuska maalinta dib u la soo noqoshada gooni isku taagga ee 18-Ka May.
Geesta kale Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ayaa sheegay in maanta la taagan yahay wakhtigii Somaliland heli lahayd Ictiraaf Caalami ah taasi oo uu ku tilmaamay in aan cidna iska indha tiri karin indhaha caalamkuna u soo jeesteen sida Somaliland uga shaqaysay danteeda iyo midnimadeeda.
"Maanta waxay taagan tahay wakhti Somaliland in ay Ictiraaf hesho aanay cidna iska indha tiri Karin oo dhammaan caalamka indhahoodii ay u soo jeesteen sida Somaliland uga shaqaysay danteeda, midnimadeeda, nabad-galyadeeda, iyo Dimuqraadiyadeeda” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal.