Dunida casriga ah ee qarnigan 21-aad, waxaa marar badan falaqayn dheer dib loogu sameeyay fikradda ah in dawladnimo horumarsan aanay suurtogal ahayn la’aanta aqoonsi caalami ah iyo taageero dibadeed. Balse, Somaliland waxay si geesinimo leh u burburisay tuhunkaas, iyada oo 30 sanno ka hor bilowday safar siyaasadeed oo aan la mid ahayn tusaalayaasha badan ee beesha caalamku ku fashilantay, in ay dawlado ka dhisaan dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq.
Markii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991, waxay wajahday caqabado badan: burbur guud, dhibaato dhaqaale, iyo xaalad nabadgelyo la’aan. Si kastaba ha ahaatee, halkii ay ka sugi lahayd xal dibadeed ama deeqo ballaadhan, waxay dooratay waddo kale, taas oo ah mid ku saleysan is-faham bulsho, shirar dhaqameed, dawlad ku dhisan axdi-qarameed iyo nidaam dimuqraadi ah oo u dhisan si ka tarjumaya xaaladdeeda gaarka ah.
Somaliland: Nidaam Dhab ah oo Aqoonsi la’aan ku Shaqeeya
Wargeysyada caalamiga ah, waxay si joogto ah uga hadlaan sida beesha caalamku ugu guul-darraystay dhisidda dawladaha "fashilmay”. Tusaale ahaan, Afgaanistaan waxaa lagu bixiyay balaayiin doollar, waxaa la geeyay kumanaan askari oo ka socda dunida, balse ugu dambeyn waxaa la waayay sharciyad shaqaynaysa iyo kalsoonidii shacabka. Isla markaana, Somaliland, iyada oo aan helin aqoonsi rasmi ah iyo gargaar weyn, waxay dhistay hay’ado dawladnimo shaqeeya, waxay qabatay doorashooyin xor ah, iyada oo dalkeeda ka hirgelisay nabad iyo kala dambeyn aan laga helin meelaha kale ee la isku dayey in dibadda laga dhiso dawladnimo.
Buugga uu qoray Rebecca Richards ee magaciisa la yidhaahdo Understanding State-building: Traditional Governance and the Modern State in Somaliland, wuxuu arrintan ku sifeeyay "tusaale iftiiminaya” oo muujinaya in dawladnimo sharciyad leh lagu gaadhi karo iyada oo laga duulayo dedaal laga sameeyo gudaha. Buuga Rebecca Richards waxa uu si qoto dheer u falanqaysaa sida Somaliland oo aan haysan taageero muuqata oo caalami ah ay u abuuratay nidaam dimuqraadi ah, mid xasiloon, una adeega shacabka.
Casharro Culus oo Dunidu Ka Baran Karto Somaliland:
Sharcinimada Gudaha ayaa ka Muhiimsan Aqoonsiga Dibadda:
Somaliland waxay muujisay in haddii ay bulshadu taageerto nidaamka, dawladnimadu shaqeyn karto xitaa la’aanta aqoonsi rasmi ah. Dadku iyaga ayaa dooranaya cidda matalaysa.
Nidaamka Guulaystay ee Somaliland:
Somaliland waxay si guul leh isu waafajisay dhaqanka iyo hannaanka dimuqraadiga ah, iyada oo Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladu ay si siman uga tarjumayaan bulshada. Tani waxay xoojisay kalsoonida dadweynaha iyo xasiloonida siyaasadeed.
Faro-gelin la’aanta Dibadeed waxay keentay Deganaansho:
Faragelin la’aanta dibadeed waxay siisay Somaliland xorriyad ay kaga dhex shaqeyso gudaha, iyada oo aan lagu qasbin nidaam dibadda laga keenay oo laga yaabo in aanu la jaanqaadi karin dhaqanka iyo duruufaha deegaanka.
Tusaale la taaban karo iyo Casharada Dunidu ka Baran karto:
Cilmi-baadhisyo badan ayaa muujinaya in Somaliland ay ka guuleysatay arrimo ay ku fashilmeen dawlado waaweyn oo dunida ah iyo waliba Qaramada Midoobay, kuwaas oo la xidhiidha dhismaha dawlado lagu bixiyay bilaayiin dollar oo lagu fashilmay. Sidaa darteed casharrada laga baran karo Somaliland ayaa ah:- doorasho xor ah, kala wareeg xukun oo nabad ah, iyo dhismaha hay’ado shaqeeya oo aan musuq maasuq ku dhisnayn.
Farriin ku Socota Beesha Caalamka:
Haddii beesha caalamku dhab ahaan doonayso inay wax ka barato taariikhda dhow ee Afrika, waxa ay tahay inay dib u eegto khibradda Somaliland. Dawladnimadu ma aha badeecado dibadda laga soo dhoofiyo. Waa hannaan bulsho oo ku saleysan kalsooni, matalaad iyo isla xisaabtan.
Somaliland waxay dhisatay dawlad ay bulshadu leedahay, una adeegta, iyada oo aanay gacan ka helin beesha caalamka iyo hay’addaha dunida. Tani waa cashar culus oo beesha caalamku aanay iska indho-tiri karin: horumarka laguma cabbiro lacagta la bixiyo, balse waxaa lagu cabbiraa nabadda la sugo, kalsoonida la dhiso, iyo dawladnimada la dhaqan geliyo.”
Gunaanad: Somaliland Waqtigeedii Wuu Gaadhay:
Haddii aan maanta si rasmi ah loo aqoonsan, ugu yaraan waa in la aqoonsadaa waxbarashada ay dunida siisay, iyo tusaalaha ay dejisay oo muujinaya sida loo dhiso dawlad ka dhalata bulshada dhexdeeda. Somaliland waa tusaale aan la iska indho tiri karin. Waxay ku fadhidaa saldhig adag oo sharciyad bulsho ah, waxayna ka mid tahay tusaalooyinka ugu wanaagsan ee Afrika ka iftiimay sannadadii la soo dhaafay.