Madaxweynaha oo Sheegay in Mudntaanta 1aad ee Xukuumaddu ay Tahay Nabadda, Midnimada iyo U-adeegista Bulshada

Saturday May 10, 2025 - 08:50:15
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi."Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qayb-galo isla



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee xukuumadiisu ay tahay nabadeynta dalka, mideynta bulshada iyo u adeegistooda.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ballanqaadey in cidkasta oo dhaliisha xukuumadiisa aanu u jawaabeyn, waxaanu bulshada qaybaheeda kala duwan farey inay illaaliyaan anshaxa iyo asluubta, waxaanu intaas ku darey in ka xukuumad ahaan ay markasta isku dhiirigeliyaan sidii bulshada albaabada loogu furilahaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sidan ka sheegay mar uu shaley xadhiga ka jarey Masaajidka Nuural Hudda (Masjid Rusheeye), ee magaalada Hargeysa, oo muddo saddex sano ah uu socday dib u dhiskiisa oo qaab casri ah loo dhisay.

 

Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay (xoolo, xoog iyo xikmadba) dhismaha iyo dhammaystirka Masaajidka Nuural Hudaa.

 

Waxaanu yidhi."Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qayb-galo isla markaana furo Masaajidkan qiimaha weyn inoogu fadhiya, Masaajidkani taariikh weyn ayuu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

 

Sida la sheegay halkani waxay ahayd Jaamac bulshadu wax ka barato, dad badan ayaa ka aflaxay, waxaan Sheekha uga mahadcelinaya dedaalka iyo adkeysiga uu muujiyey, waxaan u mahadnaqaya cidkasta oo gacan ka geysatay ILLAAHEY khayr hasiiye, dhismaha Masaajidkani, haddii ay tahay adduunyo iyo farsamaba, waxaaney taasi marag ka tahay in bulshadu markay iskaashadaan wax ay qabsan karaan.

 

Waa Masaajid lix dabaq ah oo casriya, lehna dhammaanba waxyaabihi ay u baahneyd nolosha bini’aadamku, dadkaasi ILLAAHEY khayr iyo guryaha janada hawgu bedelo, anagu xukuumad waanu cusubnahay marka Xaqul Muftaaxi ayuunba idiin hadhey ayaanu is leenahay, Xaqal Muftaxaasina waan ku filaan doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

 

Nebigu SCW, shaqadii u horreeyey ee uu qabta waxay ahayd inuu Masaajid dhiso, waana meesha xarunta iyo hoggaanka u ah bulshada Muslinka”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee xukuumadiisu ay tahay nabadeynta dalka, mideynta bulshada iyo u adeegistooda.

 

Waxaanu yidhi."Xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay mudnaanteeda koowaad waa dalka inaynu nabadeyno, haddii ALLE Qadaro waanu wadnaa, waad ka warhaysaan halka ay mareyso, waanu rejeynayna in nabad buuxda dalka oo dhan aan gaadhsiino, arrinta labaadna waa bulshada in la mideeyo, taasina dedaalkeedii waanu wadnaa, qaybaha bulshada waanu lawada kulaney, dardaarankii Sheekh Maxamed Aadana waanu qaadeynaa, barnaamijkayegana way ku jirtey, arrinta saddexaadna waa in aanu bulshada u adeegno”

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ballanqaadey in cidkasta oo dhaliisha xukuumadiisa aanu u jawaabeyn, waxaanu bulshada qaybaheeda kala duwan farey inay ilaaliyaan anshaxa iyo asluubta, waxaanu intaas ku darey in ka xukuumad ahaan ay markasta isku dhiirigeliyaan sidii bulshada albaabada loogu furilahaa.

 

Waxaanu yidhi."Waxaan ballanqaadaya cidkasta oo xukuumadda dhaliisha inaan ujawaabin anigu shaqsiyan, balse mararka qaarkood wey iska dhici karta, in cid loo jawaabo, waxaanu jecelahay in bulshadu anshaxa guud lawada illaaliyo, ka xukuumad ahaana waxa aanu isku dhiirigelinaynaa in bulshada albaabada loo furo oo la soo dhaweeyo,”

 

Madaxweynuhu waxa uu culimada iyo waxgaradka ka codsadey inay kala shaqeeyaan midnimada iyo walaaleynta bulshada.

 

Waxaanu yidhi."Waxaanu jecelnahay walaaleynta iyo midnimada in culimada iyo dadka haldoorka ah ee reer Somalilandna, ay nagala qayb qaataan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, anagana way naga go’an tahay.

 

Dhammaan Muxsiniintii maalgashadey kuwa inala jooga iyo kuwa innaga maqanba iyo bulshada Somalilandba in Masaajidkii inoo furan yahay hadda laga bilaabo,”

     
Loading...