Kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya uu ku qaabilay...
Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ayaa iska kaashanaya doorashooyinka dimuquraadiyada iyo nabadgelyada geeska Afrika. Iyada oo labada dal ay ku heshiiyiin in si wada jir ah uga shaqeeyaan arrimaha ay ka mid yihiin kor u qaadista hannaanka dimuqraadiga ah, xasilloonida gobolka iyo horumarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan la yeeshay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya (Speaker of the National Assembly), Mudane Moses Masika Wetangula, iyada oo halkaasi ay labada dal ku gaadheen heshiis dhawr qodob ah.
Kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya uu ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo uu ku soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa la iskula qaatay in laga wada shaqeeyo danaha guud ahaan mandaqada Geeska Afrika gaar ahaan xidhiidhka labada dal.
Waxa la isku raacay in xidhiidhka labada Gole Baarlamaan ee Somaliland iyo Kenya in la joogteeyo isla markaana ay wadaagaan xogaha dhanka sharci dejinta ee ay iska kaashan karaan labada Baarlamaan iyo arrimaha doorashooyinka.
Kulanka weftiga Madaxweynaha Somaliland uu ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Moses Masika Wetangula .oo ahaa kulan heer sare ah oo Madaxweynaha iyo weftigiisa lagu qaabilay,waxaa ka soo baxay oo la isku raacay qodobadan:-
Iskaashiga Baarlamaanada labada dal: In la helo dariiqooyin lagu xoojin karo xidhiidhka sharci-dejinta ee Somaliland iyo Kenya, iyadoo loo marayo wadahadallo, booqashooyin rasmi ah, is-weydaarsi aqooneed, iyo iskaashi hay’adeed.
Kor u qaadista hannaanka dimuqraadiga ah: Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha ku saabsan dhaqan-galka dimuqraadiyadda, horumarinta hannaanka doorashooyinka, iyo korjoogteynta shaqada baarlamaanada.
Xasilloonida Gobolka iyo Horumarka: In la adkeeyo doorka ay Goleyaasha Sharci-dejintu ku leeyihiin nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Taageerada socdaalka dimuqraadiyadeed ee Somaliland: