Qaybta 3 aad: Buugta akhriskooddu la-karaahiyaysto.
Marka hore si guud waxa aynu akhriska buugta u kala qaadi karnaa afar qaybood:
Qaybta 1 aad: Buugta uu Islaamka waajibiyay ama dhiirrigeliyey akhriskoodda.
waa kuwa Illaahay kuu dhawaynaya . Waxaa tusaale fiican u ah Quraanka iyo Xadiiska Nebigeenna. Sidoo kale buug kasta oo Islaam, kaasi oo kuu dhawaynaya ama kugu xidhaaya Illaahay ayaa soo hoosgali kara.
Qabta 2aad: Buugta akhriskooddu banaan yahay ( permissible)
waa kuwa aan kuu dhawaynayn Alle , laakiin aan jebinayn xeerka shareecada iyo sidoo kale aan kaa fogaynayn Illaahay Subxaanuhu Watacaal . Waxaa tusaale wacan u noqon kara buugta guud ahaan ka hadla xisaabta. Sidaa awgeed, buugta waxa aynu hoosgayn karnaa ama ku dari karnaa: buugaagta la ogol yahay
Qaybta 3 aad: Buugta akhriskooddu la-karaahiyaysto.
Waa kuwa gabi ahaan ba wax faa'iido ah kuu lahayn; laga yaabaa inay waqtiga kaa lumiyaan
Qaybta 4 aad: Buugta akhriskooddu xaraanta yahay.
aa kuwa kaa fogaynaya Alle. Waa kuwo kugu riixaya ama kugu hoggaaminaya waxyaabaha shareecadu xaraatimaysay.
Haddaba, marka la eego dhanka buugta mala-awaalka , inta badan waxay ku dhacaan ama soo galaan qaybta akhriskooddu xaraanta ama karaahiyadda yahay!
Inyar oo ka mid ah buugta mala-awaalka, ayaa noqda qaybaha akhriskooddu banaan yahay , laakiin badi buugta mala-awaalku waxay noqdaa laba midkood: kuwa akhriskooddu xaraanta yahay ama kuwa akhriskooddu karaahiyadda yahay.
Xaraan waxaynu ka wadnaa buugta dhiirrigelinaaya taswiiraha qaawanaha (pornography). Haddii buuggu dhiirrigelinaayo wax ka hor imanaya adaabta Islaamka.
Waxaa jira dhiganayaal mala-awaala ( fiction books) oo dhiirrigeliya sixirka maddow ( black magic) , waxaana la ogyahay in sixirka maddow uu ka mid yahay dambiyadda waawayn ee Islaamka . Waxaa uu ku jiraa dambiga saddexaad ee ugu wayn.
Haddaba, waa xaraan in la akhriyo buugta qofka ku riixaya barashada sixirka; waa laga yaabaa inaad akhriskiisa ka hesho madaddaalo , inaad dareento farxad iyo inaad ku raaxaysato akhriskiisa, laakiin mar haddii uu kugu boorrinaayo wax ka dhan ah Shareecada Islaamka , maaha mid la ogolaanayo
Waxaa jira dhiganayaal mala-awaala oo banaan in la akhriyo . Waa kuwo laga heli karo qaar ka mid ah noocyadda Waxbarashada, inkasta oo aannuu kuu dhawayn karayn Illaahay. Waa marka uu horumarinaayo luuqadaada , sidoo kalena waqtigaaga luminayn. sidaas si la mid ah ayna ka hor imanayn shareecada .
Waxaa jira dhiganayaal mala-awaala oo ka hadla sida uu qofku Alle ugu soo dhawaan lahaa , iyaga oo adeegsanaya sheeko mala-awaal ah. Waxa ay keeni karaan in qofku Illaahay ku xidhmo. Waxaa ku jiri kara Aayado iyo Xadiisyo , sidaas awgeed, waxaa uu xukunkooddu soo galayaa kuwa akhriskoodda la ogol yahay.
Isku soo wada duub, mar haddii dhiganaha khayaalka ihi aannu ka hor imanayn Diinta Islaamka, wuxuu noqonnayaa
mid ay banaan tahay akhriskiisu.
Isha xogta: Dr Zakir Naik.
W/T: Maxamed Haybe Axmed