Buugga Iyo Saaxiibka: Dareenka Ka Dhasha Akhriska

Tuesday April 14, 2026 - 11:06:46
HADHWANAAGNEWS
Sidaa darteed, marka buuggu dhammaado, dareen gaar ah ayaa imanaya



"Mar allaale marka aynnu dhammayno akhrinta buug,

waxa aynu ka dhigannahay sidii qof macasalaameeyay saaxiib qaali ku ahaa!”


 

 

Akhrisku ma aha oo keliya in erayo la arko, balse waa safar dareen iyo maskaxeed oo qofku la galo duniyo kale. Marka aynu buug akhrinayno, waxa aynu la noolaanaynaa jilayaal, fikrado iyo dhacdooyin inaga dhex gala qalbiga.


 

Sidaa darteed, marka buuggu dhammaado, dareen gaar ah ayaa imanaya—mid la mid ah qof ka tagay saaxiib uu muddo la noolaa. Waa murugo yar oo qarsoon, balse sidoo kale waa xasuus iyo waayo-aragnimo qofka ku sii nagaanaysa.


 

Buug kastaa waxa uu noqdaa saaxiib kuu sheega wax cusub, kuu iftiimiya aragti, kuna bara casharro nolosha ah. Taasi waa sababta ay dadka akhriska jecel mar walba u dareemaan in ay wax ka lumiyeen marka ay boggii ugu dambeeyay gaadhaan.


 

Ugu dambayn, buuggu ma dhammaado marka aad akhriska joojiso—waxa uu sii noolaadaa gudahaaga.

Dr. Bakaar

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...