HADHWANAAGNEWS

Da’yar ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Aamiin Yuusuf, ayaa ka hadlay murugada iyo farxad la’aanta uu dareemo xilliyada Ciidda, isaga oo sheegay in qof hooyo la’ ahi uusan si dhab ah u dareemi karin farxadda maalmahaas.
Maxamed Aamiin oo wareysi siiyay Gallaydh TV ayaa si qiiro leh u yidhi:
"Anigu nin bilaa hooyo ah ayaan ahay, muddo 22 sano ah farxadda Ciida ee la sheego ma arko mana farxo. Nin hooyo leh ayaa farxa, nin bilaa hooyo ahi ma farxo, markaa maxaan ka ciidi?"
Hadalka iyo muuqaalka askarigan da’da yar ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada saacadihii u dambeeyay, iyadoo dad badani ay la wadaageen dareenkiisa, isla markaana ay muujiyeen naxariis iyo taageero.
Qaar ka mid ah bulshada ayaa ugu baaqay Taliska Ciidanka Booliska iyo Madaxweynaha Somaliland in si gaar ah loo abaal mariyo loona maamuuso askarigan, maadaama uu ku jiro shaqo adag oo uu kaga jiro heeganka amniga Suuqa weyn ee Hargeysa, isla markaana uu muujiyay dareen bani’aadamnimo oo taabanaya qalbiyada dadka.