hadhwanaagnews
Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxiin Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah u furay xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MSH) ee Boqol-jire, taas oo laga hirgeliyey degmadda Gacma-dheere. Xaruntan cusub ayaa isla maalintii furitaankeeda lagu diiwaangeliyey dhalashada ilmihii ugu horreeyay.
Maayarka ayaa si gaar ah ula hadlay ilmahaas yar, oo loo bixiyey Hoodo, isagoo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan. "Hoodo waa inantii koowaad ee noogu dhalatay xaruntan, Ilaahay waxaan uga baryayaa inay noqoto inan wanaagsan oo diinteeda, dalkeeda iyo dadkeeda anfacda,” ayuu yidhi Maayarku.
Sidoo kale, Maayarka ayaa iftiimiyey doorka weyn ee cashuuraha bulshada ku leeyihiin hirgelinta adeegyada muhiimka ah, isaga oo sheegay in xaruntan lagu dhisay laguna qalabeeyey cashuurta laga ururiyo muwaadiniinta. Wuxuu xusay in tani ay tusaale u tahay sida cashuurtu u noqon karto tiir horumarineed oo lagu dhiso adeegyada bulshada.
"Xaruntan waxaa laga dhisay cashuurtii hooyadaa iyo aabahaa laga qaaday, waxa lagu qalabeeyey cashuurtii dadkaaga laga qaaday. Waxaad ku faani doontaa shaqaalaha kuu shaqeeyey inay yihiin kuwii dalkan Hooyo wax ku bartay. Cashuurtu waa inay dalkan dhisto, dadkana nolol siiso,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambayn, furitaanka xaruntan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee caasimadda Hargeysa, iyadoo la rajaynayo inay wax weyn ka tari doonto daryeelka bulshada ku nool degmada Gacma-dheere iyo nawaaxigeeda.