Madaxweynaha Cirro iyo Kenya: Dublomaasiyad Ku Dhisan Ficil ee aan Hadal Kaliya Ahay !!!

Wednesday May 28, 2025 - 09:40:43
hadhwanaagnews
Ficil Ka Miisaan Culus Qoraal.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar rasmi ah ku gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarkan, oo si heer sare ah loo abaabulay, waxa uu muujinayaa isbeddel dhab ah oo ku yimid xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

 

Soo-dhaweynta madaxweynaha waxa ka muuqday hab-maamuus sare, astaamo siyaasadeed iyo farriin ficil ku saleysan, taas oo Kenya u dirtay caalamka, gaar ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa si cad loo dareemay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmayso si waafaqsan mabaadi’da dawlad madax-bannaan.

 

Ficil Ka Miisaan Culus Qoraal.

 

Dowladda Kenya waxay warqad u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay ku sheegtay in booqashada Madaxweyne Cirro aysan ahayn aqoonsi buuxa. Hase yeeshee, dhinaca kale, Somaliland waxa loo muujiyey ficil ka culus qoraal kasta. Madaxweynaha waxa garoonka ku qaabilay saraakiil sar-sare iyo masuuliyiin heer wasiir ah, waxaana si gaar ah ula kulmay Wasiirka Macdanta iyo Dhaqaalaha ee Kenya, Mudane Xasan Cali Joho.

 

Masuuliyiintan heerka sare ah iyo roogga cas ee loo dhigay Cirro waxa ay muujinayaan in xidhiidhka labada dal uu galay wejigiisii labaad—kaas oo ku salaysan is-aqoonsi ficil ah. Joho oo ah siyaasi si weyn looga yaqaano gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka xeebaha, waxa uu safarkan kaga dhigay mid sumad cusub ku reeba taariikhda xidhiidhka labada dal.

 

Xafiis Ganacsi Mise Safaarad Dhammaystiran?

 

Inkasta oo Kenya sheegtay in ay fureen. "xafiis isfahamsi (Liason Office) ay Somaliland ku leedahay Nairobi, haddana ficil ahaan, xafiiskaasi wuxuu u shaqeeyaa sidii safaarad rasmi ah, isaga oo qabta hawlo badan oo ay ka mid yihiin:-

 

Waxa uu bixiyaa fiisayaal rasmi ah oo lagu tago Somaliland,

Waxa uu qabtaa kulammo heer-dawladeed ah,

Waxa uu leeyahay xidhiidh joogto ah oo toos ah oo uu la leeyahay wasaaradaha Kenya.

Joho iyo Aragtiyaha Diblomaasiyad Xeeladaysan

 

Xasan Cali Joho, oo ah Wasiirka uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha Somaliland, waa siyaasi si wayn loogu yaqaan aragtiyo uu hore ugu muujiyey in dadka xeebaha Kenya ay leeyihiin xaq ay kaga go’i karaan dalka intiisa kale. Inkasta oo arrintaasi ay tahay arrin gudaha Kenya ah, haddana waxay abuuraysaa faham siyaasadeed oo ka dhexeeya Somaliland iyo qaybo kale oo gobolka ah oo la hal-maala qaddiyadda madax-bannaanida.

 

Fariinta Ugu Weyn: Somaliland Wey gaadhay beesha caalamka.

 

Inkasta oo qoraallo la gu qancinayo Soomaaliya, haddana waxa muuqata in Kenya ay Somaliland la macaamileyso sida dawlad madax-bannaan oo leh jiritaan siyaasadeed. Tani waxay sare u qaadayaa sumcadda Somaliland, waxayna kor u qaadaysaa kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah.

 

Gabagabo.

 

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Kenya waxa uu noqday tilmaam cad oo muujinaysa in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay u guurayso marxalad cusub. Waa marxalad ku salaysan ficil, xaqiiqo, iyo waji furan oo caalami ah, taas oo horseedi karta in Somaliland hesho ixtiraamka ay u qalanto.

 

Daahir Cabdi Ciise

 

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...