Madasha Indheer-garadka (SLIF) oo Bogaadisay Guusha Safarka Kenya ee Madaxweynaha JSL

Thursday May 29, 2025 - 13:39:41
hadhwanaagnews
Soo-dhawaynta ay Dowladda Kenya u fidisay Madaxweyne Cirro ......



Madasha Indheer-garadka Jamhuuriyadda Somaliland (SLIF) ayaa si weyn u bogaadiyay guusha diblomaasiyadeed ee booqashadii rasmiga ahayd ee uu Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Madashan ayaa booqashada Madaxweynaha Somaliland ee dalka Kenya ku tilmaamay mid calaamad u ah horumar la taaban karo oo ku saabsan dedaalka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahan dhismaha iskaashi-goboleed oo waxtar leh, isla markaana xoojinaysa muuqaalka iyo saameynta ay Somaliland ku yeelatay fagaaraha diblomaasiyadda caalamiga ah.

 

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Indheer-garadka JSL (SLIF), waxaanu lagu yidhi warsaxaafadeedkaas;- "Madasha Indheer-garadka Somaliland (SLIF) wuxuu si weyn u bogaadinayaa guusha diblomaasiyadeed ee booqashadii rasmiga ahayd ee uu Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booqashadan waxay calaamad u tahay horumarka la taaban karo oo ku saabsan dedaalka Somaliland ee ku wajahan dhismaha iskaashi-goboleed oo waxtar leh, waxayna sidoo kale xoojisay muuqaalka iyo saameynta ay Somaliland ku yeelatay fagaaraha diblomaasiyadda caalamiga ah.

 

Soo-dhawaynta ay Dowladda Kenya u fidisay Madaxweyne Cirro waxay ka tarjumaysaa xushmad iyo aqoonsi ay Somaliland ku kasbatay inay tahay jaal (partner) la isku hallayn karo oo gobolka ah. Waxay sidoo kale muujinaysaa xidhiidhka iyo iskaashiga qotada-dheer ee labada dhinac ee sii xoogaysanaya.

 

Madaxweynaha ee Buugga Martida Rasmiga ah wuxuu xaqiijinayaa sharciyadda iyo muhiimadda booqashada, isagoo xambaarsan farriin cad oo muujinaysa sida ay Kenya diblomaasiyad ahaan u garawsatay doorka Somaliland ee gobolka.

 

Inkasta oo ay jiraan iskudayo joogto ah, aanay waxba la hadhin, oo ay madaxda Soomaaliya ku doonayaan inay ku hor istaagaan dedaallada caalamiga ah ee Somaliland, haddana hab-dhaqanka dowladda Kenya wuxuu ahaa mid cad oo badheedhe leh, mabda’ ku dhisan, madax-bannaani leh, kana tarjumaya anshaxa iyo hannaanka diblomaasiyadda caalamiga ah. Luuqadda loo adeegsaday qoraal-xidhiidhka rasmiga ah ee Kenya waxay ahayd mid si heersare ah loo miisaamay, taasoo sababtay in caqabadaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan saamayn ku yeelan horumarka sii kordhaya ee Somaliland. Xarunta Somaliland ee Kenya; hadday tahay xafiis ganacsi amaba xafiis diblomaasiyadeed; wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa kobcinta ganacsiga labada dhinac, wada-hadallada siyaasadeed, iyo iskaashiga goboleed. Waxa kale oo uu xoojin doonaa dadaalka Somaliland ee ku wajahan helitaanka aqoonsi buuxa oo caalami ah.

 

Madashu (SLIF) waxay ugu baaqayaan dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada, siyaasiyiinta, iyo warbaahinta inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah iyo ololaha abaabulan ee lagu carqaladeynayo muhiimadda guushan diblomaasiyadeed. Midnimada qaran iyo go’aanka wadajirka ah ee lagu garab istaagayo helitaanka aqoonsiga caalamiga ahi waa inay noqdaan lama taabtaan, kana hor-maraan dhammaan dacaayadaha siyaasadaysan oo ka imanaya dano dibadeed.

 

Waxaan si gaar ah u ammaanaynaa Madaxweyne Cirro iyo wafdigiisa hoggaaminta deggan iyo dadaalkooda diblomaasiyadeed ee joogtada ah ee lagu xoojinayo kaalinta Somaliland ee caalamka. Booqashadani ma aha oo kaliya guul diblomaasiyadeed, balse waa marag cusub oo muujinaya muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ay ku leedahay masraxa caalamka. Waxa lagama maarmaan ah in shacabka Somaliland ay si dhab ah u garab istaagaan dadaallada istiraatijiyadeed ee noocan ah, si kor loogu qaado sumcadda dalka iyo in la sii xoojiyo halganka diblomaasiyadeed ee ujeeddadiisu tahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah. "Diblumaasiyaddu waa farshaxnak lagu dhiso buudooyin halka ay dadku arkaan derbiyo qudha”

 

Inta ay Somaliland ku socoto dariiqa ay ku gaadhayso aqoonsi buuxa; iyadoo adeegsanaysa istaraatijiyad, dulqaad, iyo hal-adayg; waxaynu u baahanahay midnimo, garasho, iyo tallaabooyin dhab ah oo ku salaysan danaha qaranka.

 

Geeddigu wuu soconayaa; iyadoo lagu hoggaaminayo sharaf, aragti dheer, iyo xikmad.”

     
Loading...