Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarshadda, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Faacuul, ayaa Magaladda Balli-gubadleh ee Gobolka Hawd ka daahfurey Barnamijka Wecy-galinta dadka Baahiyaha gaarka ah qaba.
Barnamijkaasi wecyi-galinta ahaa oo ujeedadiisu ahayd sidii loola dhaqmi lahaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ,waxaana Barnamijkaasi wecyi-galinta ahaa lagu baraarujinaayey Bulshadda ku dhaqan Gobolka Hawd.
Kulankaasi wecyigalinta ahaa ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Masuuliyiinta Wasaradda Waxbarshadda, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland,gaar ahaanna waaxda qaabilsan Dadka baahiyaha gaarka ah Qaba.
Agaasimaha waaxda baahiyaha gaarka ah ee Wasaradda waxbarshadda , barbaarinta iyo Sayniska Somaliland Mudane Cabdishakuur Maxamed Cabdi, ayaa ka warbixiyey ahmiyadda kulankaasi wecyigalinta ahaa u leeyahay Bulshadda baahiyaha gaarka ah qabta,iyadoo agaasimuhu xusey in waxbarshada loo dhan yahay Waxbarshada isku dhex-dhiganayaan aqoonta Carruurta baahiyaha gaarka ah qabta iyo kuwa caadiga ahi.
Masuuliyiin ka tirsanaa xafiiska waaxda baahiyaha gaarka ah qaba ee Wasaaradda waxbarshadda, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey in Carruurta baahiyaha garaka ah qabta qaarkood aan la geynin goobaha waxbarshadda, iyagoo masuuliyiintaasi ku sababeeyey Waalidiinta carruurtaasi dhashey oo aan wax fikir ah ka haysanin aqoonta laga helo goobaha Waxbarshada ee Dalka.
Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hawd iyo Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarshadda Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland oo halkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey in Barnamijkaasi wecyigalintu daaranaa mid lagu daryeelaayo ardayda baahiyaha gaarka ah qabta, halka sidoo kalena Barnamijkaasi ku saabsanaa Ardeyda ka baxeysa Sanand Dugsiyeedkan 2025ka, oo ku saabsan howlaha Imtixaanka shahaadiga ah ee Dalka.
Qaar ka mid ahaa Waalidiintii Barnamijkaasi Wecyigalinta ahaa loo qabtey ayaa Bogaadiyey Barnamijkaasi oo daryeel loogu fidinaayo Dadka baahiyaha gaarka ah Qaba.
Gaba-gabadiina, Wasiru Dowlaha wasaradda waxbarshadda, barbaarinta iyo Sayniska Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Faacuul, oo kulankaasi soo xidhay ayaa kula dardaarmay bulsho weynta Somaliland, gaar ahaanna bulshadda ku nool gobolka Hawd in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool dalka.